|

Jasiiradda Comoros Oo Lagu Qabtay Somali Passport Been Abuur ah Wadatay

Moroni:June,02,2014(SDN/QJ)-Saddex nin oo asalkoodu yahay Somali oo wata Baasaboorro Kenyan Been abuur ah ayaa gacanta lagu dhigay Xilli ay ka soo degeen Dalka Comoros sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jasiirradaasi Said Hasasan El-anrif.

beea Kooxda ayaa la sheegay inay ku doodeen inay xubno ka yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars ee Kenya, oo haatan Jesiiradda Comoros kaga qeyb galayo Tartanka Koobka K/cagta ee Afrika.

Ciiddanka Ammaanka ee Jesiiradda Comoros ayaa adkeeyey ammaanka Hotelka ay deggan yihiin Kooxda K/cagta ee Harambee Stars.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jesiiradda Comoros, Said Hasasan El-anrif ayaa tilmaamay in saddexda nin ee Soomaalida haatan la xidhay, laguna hayo baadhitaanno.

Dhinaca kale, Madaxa Fulinta ee Xidhiidhka K/cagta ee Kenya (FKF), Michael Esakwa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la adkeeyo ammaankooda.

 

Lama garan karo meesha ay ka yimaaddeen Kooxda Baasabaroorrada Been abuurka ah wadataa iyo sida ay ku heleen midna, balse waxa si weyn loo Hadal hayaa sida ay ku  soo ku heleen.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed