|

Jarmalka oo Xabsiga Dhigay nin Shabaabka ku biiray

Berlin Jan 25,2014(SDN)-Maxkamad ku taal dalka Jarmalka ayaa xabsiga dhigtay nin dalkaa u dhashay oo ku biiray kooxaha xagjiriinta ah ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Ninkan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga oo la yiraahdo Emrah Erdogan isla markaana ah 25 jir ayaa Policeka dalkaasi telephone uGu sheegay in Al Qaacida ay dhiig badan ku daadin doonto dalkaasi.

Maxkamada degaanka ee Frankfurt ayaa ninkan oo ah aabo laba caruur ah dhalay ku heshey denbi ah in uu ka tirsanaa Al Qaacidada Pakistaan iyo xulafadooda Soomaaliya.

Maxkmada ayaa ninkan ku riday xukun xarig todobo sanadood ah.

Booliska ayaa hore u sheegay in Erdogan hore isu deyay in uu uGu socdaalo gobolka Wasirstaan ee dalka Pakistaan si uu xag jiriinta uGu biro.

Si kastaba ha ahaatee dalka Jarmalka oo ay ku nool yihiin Turki faro badan ayaa hadal heynta ninkan xabsiga la dhigay ay warbaahinta uGu badneyd.

SDN-Berlin
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed