Jarmalka Oo Gacanta Ku Dhigay14-Qof Oo Kenya U Dhalatay, Dalkoodana Dib Ugu Soo Celinaya
Munich:Mar,26,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Jarmalka, ayaa gacanta ku dhigtay ugu yaraan14-muwaadin oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaas oo Waraaqo Been abuur ah Dalkaas ku gelayey.
Dadkan ayaa la sheegay in ay adeegsanayeen baasa fooro faalso ah oo ay ku safrayeen, waxana haatan loo diyaarinayaa sidii waddankooda loogu soo celin lahaa.
2 ka mid ah dadkan ayey booliska Germany ku qabteen garoonka diyaaradaha Frankfurt Airport iyagoo isku dayayey in ay gudbaan jaziiradda Canvey ee wadankaasi.
Diyaarada ay saarnaayeen ayaa macluumaad ka heysa pasort-radooda, waxaana suurta gal ah in dalka dib loogu soo celiyo.
14-ka ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xidhanyihiin xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha, iyagoo sugaya in wadankooda loo soo musaafuriyo.
Ciidamada Germany ayaa si weyn ula tacaala muhaajiriinta sharci darada ah ee dalkooda sida qarsoodiga ah ku gala, iyagoo markiiba dib u musaafuriya.
Inta badan dalalka Yurub waxa haatan haysta warwar ah inay soo galaan xubno kamid ah Kooxda Daacish, waxana heegan sare loogu jiraa Sidii dadka soo galootiga ah la iskaga shaandhayn lahaa.
SDN/QJ