|

Jarmalka oo Caddaystay Nacaybka Turkiga, Kurdiyiinta oo Bannaan-baxay ka Dhigay Frankfurt & Ankara oo ka hadashay

Berlin 21. March 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Jarmalka, ayaa caddaysatay Cadaawadda iyo Nacaybka ay u hayso Dhiggeeda Turkiga iyo weliba Madaxweynaha Turkiga Hoggaamiya Recep Tayyip Erdogan, ka dib markii ay oggolaatay in Dad ka badan Soddon Kun oo ka tirsan Kurdiyiinta Turkigaga ee dawladda ku Macaaradka ahi inay ku bannaan baxaan gudaha dalka Jarmalka, halka ay kuwa Taageersan Madaxweyne Erdogan ay ka mamnuuceen bannaanbaxyadooda toddobaadkii hore.

Qiyaastii 30,000 oo Kurdiyiinta Turkiga ah, ayaa Bannaanbax ay kaga soo hor jeedaan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ka dhigay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Dadka Muddaharaadayey waxa ay iskaga yimaaddeen magaalooyinka dalka Jarmalka oo dhan maalmo uun ka hor dhalashada sannadka cusub ee Kurdiga.

 

Waxay dalbadeen hannaan dimuqraadi ah, Shacabka dalka Turkigana waxay ugu baaqeen in ay MAYA ugu codeeyaan Dastuurka cusub ee kordhinaya awoodaha Madaxweynaha ee bisha dambe aftida loo qaadayo. Qaar badan oo dadka bannaanbaxayey ka mid ah, ayaa sitey calaamado iyo calammada Xisbiga la mamnuucay ee PKK.

 

Turkiga, ayaa cambaareeyey Bannaanbaxaas oo ku tilmaamay wax aan la qaadan karin, waxaanu Jarmalka ku eedeeyey in munaafaqnimo darteed ruqsadda isku soo baxaa u siiyey muddaharaadayaasha.

 

Is maandhaaf diplomaasiyadeed oo u dhexeeyey labada dal, ayaa Cirka isku sii shareeray, kaas oo ka dhashay markii laba toddobaad ka hor dawladda Jarmalku u diidday Wasiirro Turki ah in ay abaabulaan Bannaanbaxyo dawladda lagu taageersan yahay.

 

Afhayeenka Erdogan Ibrahim Kalin, ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in Bannaanbaxaa lagu arko calammada PKK iyo hal ku dhegyadooda, iyadoo Wasiirro iyo Xildhibaanno Turki ahna laga hor joogsaday in ay la kulmaan Muwaaddiniintooda Jarmalka ku dhaqan.

 

Qaar ka tirsan Saraakiishii isu dayey inqilaabkii fashilmay ee la doonayey in Madaxweynaha Turkiga lagu rido ee Ciidammada dalkaas Guutooyin ka tirsani ku kaceen 15-ka Bishii April ee sannadkii tegay ee 2016-kii, ayaa Diyaarad ku tegay dalka Jarmalka markii ay ka baxsadeen Turkiga ka dib, kuwaas oo uu Siddeed ka tirsan Jarmalku qaabbilay. Sidoo kale, Dawladda Jarmalka, ayaa aad uga soo horjeesatay tallaabooyinkii dawladda Turkigu ku xidh-xidhay Kumannaanka Ruux ee lagu xidhiidhiyey inay wax ka ogaayeen ama qayb ka ahayeen Inqilaabkaas Fashilmay oo intooda badani Shaqaalaha dawladda ka tirsanaayeen.

 

Sidoo kale, Dawladda Netherland, ayaa Wasiirka Qoyska ee Turkiga si qasab ah uga saartay dalkeeda, isla markaana u diidday abaabulka Bannaanbaxyo ayey doonaysay inay Muwaaddiniinta Turkiga ee Holland ku dhaqan sameeyaan oo ay ku taageeraan in Dastuurka Turkiga la furo, isla markaana la kordhiyo awoodaha Madaxweynaha. Waxaana isku dhacay Bannaanbaxayaal Turki ah iyo Booliska Holland, waxaana dhaawacmay qaar ka tirsan Dadka reer Turki ee bannaanbaxayey.

Comments are closed