Jariirada Time oo hoggaamiyaha Al-Shabaab ku biirisay 100 qof ee Dunida ugu Miisaanka Culus
Washington April 25,2012(SDN/Time)-Ninka sheegtay Amiirka Shabaabka in uu yahay ee madaxa u ah Kooxda Al Shabaab ee dalgaalka kula jirta DFKMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Africa ee jooga Muqdisho.
Muqtaar Abu Zubeyr ayaa Time Magazine sheegtay in uu ka dagaalamay dalka Afgaanistaan isla markaana uu xilka la wareegay ka dib kolkii la dilay Xaashi Ceyroow.
Time waxa ay intaa ku dartay in tartan ay xilka u galeen isaga iyo Muqtaar Rooboow.
“Waxa Ina Godane wada jibo diini ah oo uu doonayo in uu ku dhiso dawlad Eebe” ayaa lagu yidhi warbixinta Time Magazine.
Ina Godane ayaa dhawaan la shaaciyay in Kurka laga Jaro Ninkii Jihaad doonka ahaa ee reer Mareykan Al Amriki.
SDN-Washington