|

Jariirad Faransiiska ka soo baxda oo dib u daabacday Sawir gacmeed lagu aflagaadeeynayo Nabi Maxamed(NNKH)

Paris Sept 19,2012(SDN)-Jariirad ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa maanta dib u daabacday sawir gacmeedyo ay hore ugu aflagaadeysay Nebigeena suuban ee Maxamed (NNKH).

Jariiradan oo la yidhaa Charlie Hebdo oo aan laheyn akhristeyaal fara badan ayaa hadana Cadadka ay ku xusnaayeen meel ka dhacyada ayaa lagu iibsaday mudo saacado gudahood.

Kolkii hore ee ay jariiradani daabacday aflagaadada ayaa waxaqarax lala beegsaday xaruntooda,maantase waxa aaga xafiiskoodu ku yaal buux dhaafiyaya ciidamada amaanka.

Daabacada aflagaadada ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkii ina dhaafay ay dunida Islaamku caro weyn ka muujisay film isna lagu aflagaadeeyay Rasuulka alle.

Dawlada Mareykanka ayaa ku tilmaantay daabacada sawir gacmeedyadan mid ka tarjumeysa masuuliyad daro ay muujiyeen tafetireyaasha Charlie Hebdo.

Tafatiraha Charlie Hebdo ayaa isku difaacay in aaney Bartilmaansaneyn Muslimiinta balse ujeedadu tahay ka hadalka filmka muslimiintu ay sida weyn uga cadhootay.

Faransiiska ayaa waxa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku nool qaarada Yurub,waxaana la filayaa in ay cadho ku wejahaan xadgudubka Jariirada Charlie Hebdo.

SDN-Paris

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed