|

Jaranaal ka tirsnaa Ciidamada dowladda Syria oo u goostay Mucaaradka dalkaasi

Dimishiq March 17 2013 (SDN)—Wararka ka laga helayo dalka Syria ayaa sheegaya in Janaraal sare oo ka tirsan Ciidmada dowladda Syria uu u goostay kooxaha Mucaaradka dalkaasi ee ka soo horjeeda Madaxweyne Bishar Al Assad.

Teefashinka Al Carabiyaha ayaa soo baahiyay Muqaalka Janaraal Maxamed Ezz Al –Din oo sheegay in uu ka goostay dowladda Madaxweyne Bishar Al Assad islamarkaana uu ku biiray Mucaaradka Syria.

Janaraalkan ayaa waxa uu intaasi ku daray in hada isagoo badqaba uu ku sugan yahay dalka dariska la ah Syria ee Jortan waxana sheegay in ciidamii qaranka Syria ay burbureen.

Kooxda Ququuqul Insaanka ee Fadhigeedu yahay New York ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda Syria in ay dadka rayidka ah u adeegsatay Bombaanooyinka Clusteralka ee waxyeeladoodu ay badan tahay.

Qiyaastii 70-kun oo Ruux ayaa ku geeriyootay 1-milyan oo kalana waa ay ka qaxeen dagaalada ka dhanka ah Madaxweyne Bishaar Al Assad ee mudda labada Sano ah ka soconaya dalka Syria.

Comments are closed