|

Japan oo sanad ka dib laga walaacsan yahay quwada Nuclearka

Tokiyo Mar 11,2012(SDN)-Dadka reer Japan ayaa maanta xusay sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay dhul iyo bad gariirkii sanad ka hor dalkaa ku dhuftay iyo burburkii iyo khaasarihii ka dhashay.

Xusuusta ugu murugta badan ee reer Japan ay hadal hayaan ah qaraxyadii ka dhacay labadii warshadood ee tamarta Nuclearka ee Fukashima oo aaga ay ku yaalaan aaney weli dadkii ku noolaa dib ugu noqon.

Dawlada iyo shirkadii laheyd warshadahaas Nuclearka ayaa damac kaga jiraa sidii ay dib ugu hawlgelin lahaayeen warshadaahaasi.

Shacabka reer Japan ayaase si weyn uga soo horjeeda hawlgelinta warshedahaasi iyo qaar kale oo dalka ku yaal.

Japan ayaa waxa haatan ku yaal 54 warshadood oo dhaliya sadexmeelood oo meelĀ  tamarta koronto ee dalkaasi.

Reer Japan ayaa ka codsanayaa dawladooda in gebi ahaanba la bakhtiiyo wershadaha Nuclearka.

Sanad kahor dhul gariirkii ka dhacay dalka Japn ayaa waxa ku dhintay tiro dad ah oo ilaa haatan aan si dhab ah loo tirakoobin.

Dawlada Japan ayaa wada hawlgalo ay ku gureyso burburkii ka dhashay dhul gariirka,waxaana ku baxay ilaa iyo haatan hawlaha nadaafada $274 billion oo dollar.

SDN-Tokiyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed