|

Japan oo qalab casri ah ugu deeqay Booliska Soomalaiya

Muqdisho November 22, 2024(QJ) Dowladda Japan ayaa si rasmi ah ugu deeqday qalab casri ah oo muhiim u ah howlgallada booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta miino baarista. Deeqdan oo ka koobneyd Tiknoolajiyaddii ugu dambeysay ayaa lagu wareejin doonaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay muhiim u tahay xoojinta awoodda Booliska ee ka hortagga walxaha qarxa.

General Asad Cismaan C/laahi Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Dowladda Japan oo garab taagan. Waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda uu leeyahay qalabkan, isagoo sheegay in uu muhiim u yahay ka hortagga walxaha qarxa, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada kor loogu qaadayo awoodda ciidamada Booliska ee miino baarista.

Qalabkan casriga ah oo loogu talagalay in lagu wanaajiyo waxtarka booliiska ee ka hortagga qaraxyada, ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ballaaran ee ay waddo dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo tayada ciidanka booliiska. Adeegga Waxqabadka Miinooyinka ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa sidoo kale taageeraya dadaalladan iyadoo bixinaysa tababaro iyo farsamooyin horumarsan oo lagu xoojinayo hawlgallada ka hortagga miinada.

General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xusay in qalabkan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah oo boolisku u baahnaayeen, isagoo tilmaamay muhiimadda taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Japan ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo ka hortagga qaraxyada. Tallaabadan ayaa ka tarjumeysa xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo Japan ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay ka siiso dhinacyada kala duwan, gaar ahaan bixinta qalabka iyo tababarrada lagu horumarinayo ammaanka dalka.

Comments are closed