Japan oo mashruuc biyo gelin ah ka fulineysa Degaanka Soomaalida ee Itoobiya
Adis Ababa Mar 29,2012(SDN)-Hey’ada Horumarinta ee dalka Japan ayaa hirgeileysa mashruuc biyo soo saar oo laga hirgelinayo degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Dawlada Japan ayaa heshiiskan la sexeexatay wasaarada Biyaha ee Itoobiya,iyada oo ay markan tahay marka qudha ee Japan ay shaqaale dalkeeda u dhashay keeneyso Itoobiya si mashruuca loo hirgeliyo.
Mashruucan oo ay ku bixi doonto in ka badan 9 Million oo dollar ayaa lagu dhameystiri doona mudo sanad iyo badha.
Mashruucan biyaha ayaa isugu jiri doona soo saarid iyo keydinta biyaha la soo saaro.
Dawlada Itoobiyaa ayaa sanadkii hore ka codsatay Japan in ay gacan ka siiso sidii biyo loo gaadhsiin lahaa dadka abaarihii dnadii hore ay waxyeeleysay.
Mashruucan ayaa sidoo kale waxa hirgelintiisa ka faaiideysan doona dadka Soomaalida ah ee dalkaa qaxooti ahaanta u tegay.
Mana aha kolkii u horeysay ee hey’ada horumarinta Japan iyo UNHCR ay iska kaashadaan mashaariiv laga hirgelinayo dhulka Soomaalida,labada dhan ayaa hore mashaariic uga fuliyay xeryaha qaxootiga ee Cado Dolloow.
SDN-Adis Ababa