|

Janaraal Diini iyo Dega-badan oo xilalkoodii Wareejiyay Munaasabad ka dhacday Muqdisho

Muqdisho March 13 2013 (SDN)— Munaasabada maanta ka dhacday wasarada gaashandhigga Soomaaliya ayaa waxaa xilalkoodii ku wareejiyay Taliyihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo Abaanduulahii ciidanka xooga dalka.

Taliyihii ciidanka xooga dalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxaa lagu bedelay S/Guuto Daahir Adan Elmi (INDHOQARSHO) oo noqonaya taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Abaanduulihii ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa waxaa lagu bedelay C/risaaq Khaliif Cilmi oo noqonaya Abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya iyo sidoo kale xubno kale oo ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa ka qeybgalay munaasabada ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhiga.

Labada Mas’uul oo muddo xilalkan soo hayay ayaa xasaanadooda looga qaaday degreeto ka soo baxday Madaxtoyada Soomaaliya taasi oo aan la shaacin laakiin baryihii danbe la isla dhexmarayay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in galabata lagu qaban doono xaflad sagootin ah oo lagu sagootinayo Taliyihii ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Abaanduulihii ciidanka.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed