|

Jamhuuriyadda Djibouti Oo Kusoo Biirtay Dowladdaha Xidhiidhka U Jaray Maamulka Shiiicada Ee Iiraan

Maxamuud Cali YuusufJabuuti,7Jan,2016(QJ/SDN)-Dowladda Dalka Jabuuti ayaa sheegtay inay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Iiraan, kaddib weerarkii dhowaan dad cadheysani ay ku qaadeen safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tehran.

Go’aankan oo lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay idaacadda Codka Maraykanka ee VOA.

Jabuuti ayaa waxaa xadhiidh aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa Saudi Arabia.

Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iiraan xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xidhiidhka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Dalalka Jabuuti iyo Iiraan ayuu xidhiidhkoodu ahaa mid wanaagsan balse arrintan cusub ee Sucuudiga iyo Iiraan dhex taalla ayaa weji cusub ku abuurtay xidhiidhkii labadaas dal ka dhexeeyay.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Wariye Arrintaasi Ka Hadlaya

Comments are closed