|

James Swan oo la haday madaxdii hore ee dalka

Muqdisho June 09, 2024(QJ) -Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta telefooonka kula hadlay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaa madaxdu ka hadahadashay horumarka ka socda dalka iyo sidii loo sii anbaqaadi lahaa horumarka jira.

Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo hadda ku kala sugan Muqdisho iyo Dooxa, ayaa ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, iyagoo si weyn uga soo horjeeda qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka dalka.

James Swan oo dhawaan loo magacaabay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa bilaabay inuu la shaqeeyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka. Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya iska horimaadyadan siyaasadeed.

Comments are closed