‘’Jamaal Xaqa Ugu Hiiliya Meel,Meel uu Ku Ciil Baxo Ugu Hiiliya,Arinta Dhacday Ilaahaybaa Reer Somaliland Ku Eegaya’’ Aadan Dhoola Yare
Hargaysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yare) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa ku baaqay in Jamaal Cali Xuseen Cadaalada loogu hiiliyo.
Aadan-Dhoola-yare waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu ku saxeexan-yahay, waxaanu u dhignaa sidan:
“Waan idin salaamay inta samaha jecel.Reer Somalinad waxaan leeyahay xaqdaradi ugu weynayd ay laga galay Jamaal xisbi dhan oo wax ka soo saaray oo la’aanti aan soo baxeen aya laga dhaqaajiyay oo dulmi cad la isu kaashaday waxaan leeyahay reer Somaliland,maanta waddan ki cadaalad daradi u weynayd baa ka dhacday ilaahay baa inagu imtixaamaya dusha ayu inaga eegeeya.Qabyaalada inaga daaya u hiiliya Jamaal xaqa ugu hiiliyo meel uu ku ciil baxo ugu hiiliya arinta dhacday ilaahay ba reer Somaliand ku eegeya siday xaqa u raacaan.
Kolay qaar baa odhan doona Muumin Seed ba waa ti ku dhaccday.waar isku mid maaha Jamaal ucid isaga soo saaray laakin Muumin Seed qof buu ka aha Wadani.waxa laydinka doonnaya inaad cadaalada cod ugu hiilisaan oo aydaan Kulmiye iyo ucid qabyaalad ugu hiilin.guul guul Jamaal waxa uu luxudka qaban doona ilaahayna inoogu naxriisann doona markaynu Jamaal u hiilino inshalla guul.alla mahad leh.