|

“Jamaal warbixin baa laga doonaya, Faysal waa lagala xisaabtamayaa wixii dhacay, golaha dhexe ayaan go’aan kama dambays ah soo saarayaa” Mujaahid Cali Guray DAAWO

Hargaysa 25 January, 2016-(SDN/QJ) :–Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Murshaxa Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu ku sheegay inuu ka dhexeeyo Mansab kaasina keenayo in la kala aragtid duwanado, isla markaana wuxuu meesha ka saaray in la isku hayo ciddii noqon lahayd murshaxa xisbigga.
Sidoo kale, Cali Guray wuxuu sheegay in inta hadhay lagu dhamayn doono fadhigga Golaha dhexe oo labadoodaba warbixin laga dhegaysan doonno wixii dhacay.“Gudoomiyaha xisbigu marna muu odhan Jamaal Cali Xuseen maaha Murshaxa Xisbigga, marna cid kale kumuu sheegin, kiisii ugu dambeeyayna muu odhan oo waraysigiisii ugu dambeeyay waaniga halkaa ku hayaa. Wuxuu sheegay in khilaaf Ucid ahi jirin, haddii isaga iyo Jamaal tahayn oo dadka taladu ka dhexeyso tahay inay wax isku qabsan karaan oo talo isweydiin karaan, waa talo wax la isku hayaa ee maaha mansab la isku hayo.
Mansabka gudoomiyuhuna waa Faysal, murshaxuhuna waa Jamaal, haddii Jamaal iyo Faysal warbaahinta ka wadda hadleen, anaga khilaaf ay isku hayaan oo miiskayaga Ucid yimi ma jiro, khilaaf aanu dhex galayna ma jiro, cid aanu dhexdhexaadinayna ma jirto, cid aanu kala raacnayna ma jirto.”ayuu yidhi Cali Guray waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Haddii madmadow dhexdooda soo galay, madmadowgii wado kale ayay u mareen, hoggaamiye dhaqameedka musdambeedka u ah xisbiga ee danaynaya xisbiga ayaa dhexgalay meel wanaagsanna way soo gaadhsiiyeen, haddii khilaaf dambe oo Ucid hadhay wax dambe oo dibadda lagu wadwadayaa ma jiro ee horta ku bushaaraysata.
“Jamaal warbixin baa laga doonaya, Faysal waa lagala xisaabtamayaa wixii dhacay, golaha dhexe ayaan go’aan kama dambays ah soo saarayaa. Haddii labadda masuul ee ugu sareeyay ee midna murshaxa ahaa, midna gudoomiyaha ahaa madmadow soo dhexgalay xilka ugu weyn ee ugu culus qofka uu saaran yahay ee aan aniga ahayn waan ogahay, cid xisbiga Ucid ah oo Jamaal Cali Xuseen magacaabay ma jirto, xil uu magacaabi karo oo xisbiga Ucid ahina ma jiro.”
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay diiwaangelinta codbixiyayaasha ee laga bilaabay Gobolka Togdheer iyo sababta ay u gayn waayeen kormeerayaal ka war hayaa “U diyaargaroowga doorashooyinkuna waxay ahayd diiwaangelinta aynu ognahay maraaxilkii ay soo martay, maantanna ilaahay mahaddii diiwaangelinta ka bilaabmatay gobolka Togdheer ilaa iyo haddanna aanu ognahay inay u socoto si aad u fiican, kanna duwan diiwaangelimihii horre ee aynu soo marnay, waayo aragnimadoodiina laga faa’idaysatay, marka waxaanu rejaynaynaa in doorkan diiwaangelin sax ah oo qofkasta oo muwaadin ah xaq u siinaysaa inuu hal mar codkiisa bixiyo.”ayuu yidhi Cali Guray waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Arrinka labaad ee ugu muhiimsanni waxa weeye arrinkan ay ka werwereegayaan Golaha wakiiladdu oo ay kolbaa arrin kale isku qaadayaan wax looga fadhiyo oo Golaha wakiilada laga doonayo ma jiro, shuruuc ay noo qabyo-tirayaana ma jirto, hawsha kaliya ee u taalla waa hawshii lagu dooranlahaa golihii bedeli lahaa Golahan, kaanna waxaad mooda in aanay diyaar u ahayn komishankan.”

Comments are closed