|

“Jamaal Cali Xuseen waa laga Gardaranyahay”Cabdikariin Axmed Mooge oo ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Ucid

Hargeysa 29,March,2016(SDN/QJ):-Aqoonyahan Cabdirashiid Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada Qorsheynta qaranka ayaa sheegay in guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka Khaldanyahay Musharaxa Xisbigaasi ee Jamaal Cali Xuseen.

Cabdi Kariin Axmed MoogeCabdikariin Axmed Mooge waxaa uu ku dooday in Jamaal Cali Xuseen Xaq u leeyahay inuu mar iska sharaxo Xisbiga Ucid maadaama uu xisbigaasi musharax ka yahay.

Qoraal Cabdikariim Axmed Mooge kaga hadlay Arintaasi oo uu ku baahiyay Degalka uu ku leeyahay Facebook waxaa uu u dhignaa Sidan:-

“Gar waa loo wada islaame Jamaal Ali Xussein, waa laga gardaranyahay! maalintii loo dooranayay in uu Jamaal yahay musharaxa UCID, maxaa khasbayay maalintaas in musharax laga dhigo Jamaal Ali Hussein, may tartamaan iyagoo urur bila musharax ah, Sidii Kulmiye, Waddani iyo ururadii kale ee hadhay ay ugu galeen tartanka iyagoon iclaamin musharaxiintooda?

Hadiise shirweyne dhacay oo Jamaal loo doortay musharaxa madaxweyne ee UCID, Jamaal xaq wuxuu u leeyahay in uu hal doorasho madaxweyne ku galo ticketka UCID, ama ha helo ama ha wayee.

 

Somaliland waxay u bahantahay in dib loo eego shuruucda asxaabta si loo helo xisbiyo salbalaadhan oo dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirto. Somaliland waxay oon u qabtaa in la helo xisbiyo aan ku suntanayn qof ama koox hadii kale sideedi hore Borame hayskaga soo shirto

 

Somaliland xisbiyadeeda waxaan ku naqaanay musharax aan cidi la tartamayn taas oo ka hor imanaysay ma’badiida dimuqraadiyada ee iminkana ma waxay soo kordhinayaan in laga noqon karo musharax la doortay? haday ka noqoshada Jamaal suuro gasho”ayuu ku yidhi Cabdikariin Axmed Mooge Qoraalkiisa.

Comments are closed