|

Jamaal Cali Xuseen Oo Sheegay Inay Shirkii Xisbiyada Mucaaridka Maanta Qabsan Doonaan, Xukuumaddana Ku Casuumi Doonaan

Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in shirkii xisbiyada mucaaridku ku baaqeen uu maanta oo sabti ah furmi doono.

jamaalJamaal Cali Xuseen oo u warramayey Telefishanka Star Tv, ayaa sheegay inay shirkooda diyaar ula yihiin inay xukuumadda ku casuumaan si halkaasi ay dooddoda uga dhiibtaan,“shirkii Maalinta Berri ah buu bilaabmayaa  iyaga(xukuumadda) laftoodana waanu kusoo casuumi doonaa Hadday imanayaan si ay noola doodaan. Waxayaguna wax qarsoon ma ahee waa wax waadix ah, intii aanu qaranka ku lahayn ayuun baanu umadda u iftiiminaynaa.” Ayuu yidh Jamaal Cali Xuseen.

Aqoonyahan Jamaal waxa uu sheegay in sababta xukuumaddu ugu jeellan tahay  inay xukunka sii haysaa tahay sidii ay hantida umadda u boobi lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,

“waxa muddo-kordhinta loo samaynayaa waa Hantidii umadda ee sida waxshinimada leh loo gurtay ayuun bay doonayaan inay labada sanadood ee dambena inay sii gurtaan. Annaguse hubna ma wadanee waxanu leenahay umadda u tudha.”

Waxa uu madaxweynaha usoo jeediyey inuu umadda la Hadlo oo xaaladda taagan uga warramyo,

“Madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inuu dadka la hadlo oo u sheego xilliga doorasho dhacayso” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayaa hore maxkamadda sare ee Dalku ugu diidday inay shir talo-qaran ah qabtaan, waxana taas Beddelkeeda loo oggolaaday inay shirarkooda caadiga ah ee Distoorku u oggol yahay ay qabsan karaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed