|

Jamaal Cali Xuseen Oo Nasiib-darro Ku Tilmaamay Go’aanka Midowga Yurub ku Xidhayaan Xafiiskooda Hargeysa

Hargeysa:Aug,06,2015(SDN/QJ)-Musharraxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Ucid Md Jamaal Cli Xuseen, ayaa si adag uga dayriyey Go’aanka la sheegay inay Midowga Yurub ku gaadheen inay albaabada u laabaan xafiiskoodii ay ku lahaayeen Somaliland, waxana uu tilmaamay inay tallaabadaasi tahay mid ayaandarro ah.

jamaali caliJamaal Cali Xuseen oo Shalay warbaahinta kula Hadlayey Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu xafiiskaasi ahaa mid muujinayey sida Somaliland iyo Beesha caalamku iskugu xidhan yihiin, isla-markaana loo micnayn karayey ictiraaf hoose,  “Xafiiskii midowga yurub ku lahaayeen Somaliland Ictiraaf dadban buu ahaa, muhiimad la ila siinayey iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharrax Jamaal Waxa uu sheegay in sababta Midowga Yurub u go’aansadeen inay xafiiskooda xidhaan ay salka ku hayso xukuumadda oo ka dhego adaygtay Taabbo-gelinta Heshiiskii ay dhawaan Axsaabta Mucaaridka ah la gashay, waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay in maanta markii la arkay in Xukuumaddu ka baxsay heshiisyadii ay xisiyada Mucaaridka la gashay in dimuqraadiyaddii uu dhaawac badani ku yimi ay Midowga yurub go’aan ku gaadheen inay xafiiskoodii Albaabada u laabaan, annaguna waxanu diyaar u nahay inaanu xukuumadda kala shaqayno sidii loosii joojin lahaa. Waxana muhiim ah inay xukuumaddu ixtiraamto Heshiisyadii ay la gashay xisbiayda mucaaridka ee beesha caalamku markhaatiga ka ahayd, mana aha inuu Dalku u afduubnaado Soddon nin oo Guurtida ah.”

Waxa isagoo hadalkiisa sii wata uu sheegay in midowga Yurub ay qayb weyn ka yihiin horumarka ay somaliland  ku socoto, waxana uu tusaale fiican usoo qaatay Waddooyinka Dalka laga hirgelinayo oo uu sheegay inay intooda badan lacagtooda bixiiyeen, waxana uu yidhi,“Wax alla iyo waxaas oo waddooyin ah ee lagu faanayey kabkooda iyagaa bixiyey mana ay ahayn wax jeebka xukuumadda ka yimi, Waxana ay ina siin jireen Mashaariic tiro badan, mana aha in qunyar uun  la yidhaahdo ha iska tagaan.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed