|

Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Qoomammeeyay Talooyin Dadweynuhu Ugaga Digeen Faysal Cali Waraabe Oo Uu Ku Camal-fali Waayay

Hargeysa 07.April 2016 (SDN/QJ):- Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu qoomameynayo talooyin Dadweynaha Somaliland qaarkood siiyeen, kuwaasi oo Nuxurkoodu ahaa inuu Furto Urur-siyaasadeed ee aanu ku biiran Xisbiga UCID.

Jamaal (2)Jamaal Cali Xuseen, waxa kale oo uu sheegay inuu Dadweynaha Somaliland ka dhageysan waayay Talooyin ay siiyeen iyo Digniinno ay ka bixiyeen muranka Maanta u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

 

Jamaal oo Shalay u waramayey Telefiishanka Bulsho, ayaa isaga oo Arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Dadku waxay yidhaahdaan waxay ahayd in Jamaal uu Furto Urur-siyaasadeed, Aragtidaa waan ku raacsanahay Dadweynaha, waayo? Waxay ahayd inaan berigaa Urur Cusub furto oo aan Dad Cusub la bilaabo, taasi Waa Qalad aan odhan karayo waa galay.”

 

Jamaal waxa kale oo uu xusay Qalad labaad uu galay intuu siyaasadda Somaliland ku jiray, “Qaladka labaad ee aan galay waxa weeyaan markii aan galay Xisbiga UCID, Somaliland oo dhan baa tidhi maxaad (UCID u gashay), Xitaa waxaan xasuustaa Inan yar oo 11 jir ah oo berigaa igu tidhi Maxaad Faysal ugu tagtay Xisbiguu kugu qabsane, laakiin Berigaa Dadka waan la yaabanaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qaladka 3-aad ee aan galay waxa Weeyaan Somaliland oo dhan baan dhageysan waayay oo taqaanay Faysal inuu sidan samayn doono.”

Comments are closed