Jamaal Cali Xuseen Iyo Wasiir Cadaani Oo Shalay Ku Sigtay Inay Isu Gacan Qaadaan Iyo Arrimaha La Isku Seegay Ee Keenay Cadhada
Hargaysa 04.Sep 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa shalay dirqi ku sigtay inay Gacmaha iskula tagaan kadib markii uu Aqoonyahan Jamaal Waydiiyay laba su’aalood oo hal Xidhaale ku noqday Wasiirka,wakhti ay shalay ku kulmeen Huteel Hargeysa kuyaala.
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa markii hore kursigii uu ku fadhiyay intuu ka soo kacay dul tagay Wasiir Cadaani oo uu bildhaan ka arkay islamarkaana sida hadalkiisa ka muuqata uu mudooyinkanba la raadinayay laba su’aalood oo markii uu waydiiyay kar ka keenay Wasiirka,waxa uu markii uu wax yar u jiro ku tiraabay Erayadan “Waakan Wasiirkii aan Mudooyinkanba Raadinayay,Waaryaa Cadaani,bal iska Waran horta Saaxiib,waar Waan kula la’aaye, Waa maxay sidan aad noqotay iyo fadeexadan aad ku kacday,maxaa ku helay,Maxaad uga jeeday Gabadhkii aad booliiska ugu yeedhay ee aad tidhi Lacag ayay xaday,Fajiciso ayay igu riday Arintaasi waliba lacagta yar ee aad sheegtay “Qosol yar” kadib, Mida kale Wariye Muniir Axmed Cigaal Maxaad Ku gashay ee aad sabab la’aanta Shaqada uga eriday, Waar Cadaani siday kaa noqotay?.
Wasiir Caddaani oo muuqaal ahaa isbadelay islamarkaana fadhiga Xamili waayay oo ay cadho badan ka muuqatay ayaa sare u qaylyay islamarkaana ka dhawaajiyay kalmado soo wada jeediyay Dadkii markaa ka agdhawaa oo ku soo Xoomay,waxa uu yidhi “Waar Maxaa kaa galay,waa Maxay Waxan aad nawaydiinaysaa, Walaahi iyada ayaa u yeedhay Booliiska,Anigu umaan yeedhin,waaban ka maqnaa Wasaaradda,waxaan imid iyadoo ay booliisku joogaan goobta,Ta kale inankaa yar ee Kibray aniga ha iwaydiin “Muuniir”,isaga ayaa shaqada iska joojiyay ee anigu waxba kamaan joojin,waar nadaa ma sidaasi ayaad doonaysaa inaad Ummadda Madaxweyne ugu noqoto oo aad ugu cadaalad Fasho,waar nadaa adeer oo naga durug”.Wasiir Cadaani.
Wixii intaa ka dambeeyay talo faraha ayay ka haaday,hadalkii ayaa ka taag taagmay labadoodaba,oo Waxa kala aamusiiyay dadkii u soo Gurmaday ee ku dhex sugna Huteel Guuleed.
Labada Su’aalood ee uu Jamaal Waydiiyay ee uu aadka uga gubtay Wasiir Cadaani ayaa ku saabsanaa Gabadh Qasnaji ka ahaan jirtay Wasaaradda Warfaafinta oo uu Wasiir Caddaani Shaqada ka joojiyay kadib markii uu sheegay in Qasnadda lagala baxay Lacag shan Milyan oo Somaliland ah,taasi oo uu Shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay. Su’aasha kale ayaa ahayd Mulkiilaha Warbaahinta Somaliland Today Muniir Axmed Cigaal oo isna uu dhawaan shaqada Tv-ga Qaranka ka joojiyay.
Wasiir Cadaani ayaa markii hore Giir iska kiciyay,aadna isku diidsiiyay Su’aalahaasi inuu ka jawaabo balse markiii uu Jamaal ka dayn Waayay ee ay dadkii kalena soo wada daymoodeen ayuu si cadho leh uga jawaabay,isagoo dhawr jeer ruqaansaday oo damcay inuu la dagaalamo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka.