|

Jamaahiirta Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Hawd & Munaasabad Ay Ugu Quus-goyeen Xisbiga KULMIYE Oo Hargeysa ay Ku Qabteen Maanta + F arxada Iyo Fantasiya WADDAANI SAWIRO

Hargaysa 16.October 2016 (SDN/QJ):- Jamaahiirtii iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gobolada Hawd, Saaxil iyo Togdheer ayaa maanta munaasabad ay ku muujinayaa taageerada ay Xisbiga WADDANI u hayaan ku qab-saday  huteelka guuleed ee Magaalada Hargeysa,taas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro.

 

Munaasabadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo xaadiray haldoorka aqoonyahanka dhalinyarad iyo haweenka beel- weynta Arab,kuwaas oo safaro ka soo galaya magaalooyinka Burco, Berbera, Balli-gubadle iyo deegaanada kale ee hoos –yimaada goboladaas iyo weliba gobolkada Maroodi-jeex .

 

Dhanka kalena munaasabada ayaa ahayd mid ay beesha Balli-gubadle ugu mahad-naqayeen guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro oo u huray beesha in ay hanato xilka guddoomiye –nimada Xisbiga WADDANI,kaas oo la filayo in uu dhawaan ku wareejiyo masuul ka soo jeeda Beesha Balli-gubadle.

Sidoo kalane xafladan ayaa ahayd mid lagu taageerayo  siyaasi C/qaadir Jirde,kaas oo u sharaxan jagada guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, in uu ku fadhiisto cirro debadii.

Filo Goordhaw Faah-faahin Dheeri Ah Iyo Muuqada Khudbadihii

14570369_1154590834621045_4351273410223867877_n 14591761_1154589864621142_6885761827450770773_n 14611103_1154590107954451_3857611956689229233_n 14628123_1284821781542015_756371189_n 14650355_1154590421287753_2883765235132363973_n 14650554_1154590604621068_1855509083365777203_n 14656269_1154590684621060_4023866417981592118_n 14695605_1154590167954445_7455807561889559212_n 14713726_1154590971287698_5023718321537797_n 14716139_1154589951287800_2333055917230749784_n 14716176_1154590321287763_1744080690635261444_n 14718753_1154590751287720_7368370223609558367_n 14729270_1154589471287848_4416276157442297152_n-1 14729270_1154589471287848_4416276157442297152_n

Comments are closed