Jabuuti oo xabsiga la dhigay taageerayaal xisbiga RPP ee talada haya
Jabuuti Dec 13,2011(qurbejoog.com)-Waxa dhaawaan xabsiga la dhigay tiro raga oo ka mid ahaa taageerayasha xisbul xaakimka jabuuti oo dhawaan ka hor yimi goaan xabsiga lagu dhigay Xaakim Jabuuti caan ka ah.
Ragan dhawaanta la qabqabtay ayaa tiradooda ay ku sheegtay heyada xuquuqul insaanka Jabuuti in tahay sagaal ruux.
Heyada ayaa qabta in xariga ragani ay xadgudub ku tahay dastuurka Jabuuti qaasatan qodobadii dib u habeynta lagu sameeyay sanadii 1992dii.
Dastuurka Jabuuti ayaa dhigaya in muwaadin kastaahi aanu aheyn denbiile ilaa lagu cadeeyo in uu galay danbi.
Ragan ayaa ka soo jeeda beesha Madaxweynaha Jabuuti,horena u ahaa xubno firfircoon oo ka tirsanaa xisbul xaakimka Jabuuti ee RPP.
Qurbejoog-Jabuuti