Jabuuti oo Wasiiro u dirtay Turkiga,maxey tahay sababtu?
Istanbul Mar 04,2012(SDN)-Xukuumada Jabuuti ayaa u dirtay labo ka mida wasiiradeeda dalka Turkiga ee lagu wado in uu martigeliyo wareega labaad ee shirka arimaha Soomaalida looga arinsanayo oo daba socda kii dhawaanta lagu qabtay London.
Wasiirada haatan ku sugan Istanbul ayaa hore goobjoog uga ahaa isla markaana door lexaad leh ku lahaa in dhinacyada Soomaalidu qalinka ku duuqaan hanaankii Garoowe.
Dawlada Jabuuti ayaa dabada ka riixeysa dhiiri gelinta meelmarinta hanaanka Garoowe ee looga guddbayo xiliga kala guurka ah ee Soomaaliya loogu dhisayo dawlada dhexe.
Xukuumada Jabuuti ayaa si weyn uga biyo diidsan natiijadii shirkii dhawaanta Britain ay ku qabatay dalkeeda,khaasatan qodobka lixaad ee dhigaya in soomaalida loo wada hadal siiyo Soomaaliya iyo Somaliland aakhirka.
Waana taa ta dawlada Jabuuti iminka ay wasiirada ugu dirtay dalka Turkiga oo qorsheynaya shir uu Soomaalida u qabanayo bisha Juun ee inagu soo fool leh.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com