|

Jabuuti oo u jawaabtay Muuse Biixi

Jabuuti July 01, 2024(QJ)-Dowladda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay eedeymo uga yimid madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga Somaliland Muuse Biixi oo ku aadanaa in dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin maleeshiyo ka soo horjeeda Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo caddeeyay in aanay Jabbuuti ka jirin Maleeshiyo noocaasi ah, isla markaana aanay dawladdiisu taageerin koox ka soo horjeeda Somaliland.

Wasiir Dawaale oo qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa ‘X’, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin waxa uu ku tilmaamay eedaymo been abuur ah oo ka soo yeedhay Somaliland.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay midnimada gobolka iyo is dhexgalka, ka shaqeynta nabadda iyo xasiloonida gobolka halkii ay ku dhaqaaqi lahayd falal dhibaato keeni kara.

Wasiir Dawaale waxa kale oo uu tilmaamay in eedaymo noocan oo kale ah ay hore u soo jeediyeen, kuwaas oo ahaa in Jabuuti ay Somaliland ku taageertay colaadda Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC).

Leave a Reply