Jabuuti oo Mareykanka ku wargelisay in xeradoodii ciidmada Obock ay ku wareejisay China
Jabuuti Aug 17,2015(SDN/QJ)-Dalka Jabuuti oo ah dalka qura ee Africa xarun ciidan Mareykanku ku leeyahay ayaa waxa soo baxaya warar tibaaxaya in madaxweynaha dalkaasi uu haatan ka soo dhaweysanayo dalka China.
Xukuumada Jabuuti ayaa dawlada Mareykanka ku wargelisay in xeradooda ciidan ee magaalada Obock lagu wareejiyay 10,000 oo ka mida ciidamada dalka China.
Wargelintan ayaa dawlada Jabuuti ay gaarsiisay Mareykanka maalin uu ka dib kolkii uu dalka booqasho ku yimi Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mr. John Kerry bishii ina dhaaftay ee May.
Sidaa waxa lagu daabacay barta Internetka ee tesfanews.com oo soo xigatay ilo wareedyo ku dhaw dhaw labada xukuumadood.
Dalka China ayaa xukuumada Jabuuti u soo bandhigay laba mashruuc oo lagu kala horu marinayo dhabaha xadiidka ee isku xira Adis iyo Jabuuti iyo dekedda Jabuuti.
Labadaa mashruuc ayaa waxa ku kala bixi doona $3 billion iyo $400 million, waana mid ka mida sababaha loo aaneynayo isbedelka xukuumada Jabuuti.
Mareykanka ayaa in dhawaalaba culeys ku saarayay xukuumada Jabuuti in kor loo qaado xuquuqda aadanaha oo la dhawro iyo isbedel dimuqradiyadeed oo dalka lagu soo dabaalo.
Waxaana haatan ay dawlada Jabuuti si toos ah u hadal heysaa xiriirkooda cusub ee China, waana mid walaac ku heysa dawladaha reer Galbeedka ee xarumaha ciidan dalka ku leh.
Mareykanka ayaa sanad walba waxa uu $63 million dollars ku bixiyaa kirada xeryaha ciidan ee uu ku leeyahay dalka Jabuuti.
Mareykanka ayaa xeryahiisa Jabuuti waxa uu u adeegsadaa waxa uu ugu yeero la dagaalnka argagixisada geeska Africa.
SDN/QJ-Jabuuti