|

Jabuuti oo isu soo bax weyn lagu xusay February 18

Jabuuti Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Waxa maalinimadii shalay si weyn loo xusay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay isu soo bax taarikhi ahaa oo sanadkii hore ka dhacay Jamhuuriyada Jabuuti,isu soo baxaa oo lagu diidanaa habdhaqanka xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.

Axsaabta mucaaridka Jabuuti ay ku dhawaaqay in xuska maalintan ay qabanayaan isu soo bax kale oo xukuumada Jabuuti iyo caalamkaba loogu cadeynayo in reer Jabuuti doonayaan isbedlel siyaasadeed.

Magaalada Jabuuti ayaaney wax isu soo baxyo ahi ka dhicin sanadakan balse mucaaridka Jabuuti oo ay hogaaminayaan madaxda xisbi weynaha ARD ayaa isu soo bax taariikhi ah ku qabtay magaalada Belbela.

Isu soobaxan oo shacab badanina ka qeybgalay waxa iyana halkaa ku sugnaa dhamaan madaxda sare ee xisbiga ARD iyo hogaamiyeyaal bulshadeed kale oo faro badan.

Madaxdu waxa ay halkaa ka jeedisay khudbado ay uga waramayeen marxalada dalka iyo isbedelada siyaasadeed ee loo baahan yahay in la hirgeliyo.

Madaxda xisbiga ARD oo qaar ka mida sida Mahdi good oo ah madaxweyne Ku-xigeenka ARD iyo la-taliyaha madaxweynaha Md Qasim Axmed Diini ayaa ka yimi qaarada Yurub si shacabka ay munaasibadan ula xusaan.

Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed