|

Jabuuti Oo Dalkeeda U Diidday DAB-CASSAR Iyo Halka Uu Hadda Ku Xidhan Yahay

Jabuuti  23. December 2017(SDN/Q):-Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta Dalkeeda ka soo Mastaafurisay Cabdiraxmaan Dabcassar oo ah Muwaadin Reer Soomaaliya ah oo Shalay Dawladda Somaliland ka Mastaafurisay Dalka, ka dib markii Maalmihii u dambeeyay uu ugu xidhnaa Hargeysa Aflagaado ka dhan ah Qaranka Somaliland oo uu mariyey Internet-ka.

Dab-cassar oo Dadka Internet-ka isticmaalaa aad u yaqaanno isla-markaana Caan ku ah hadalka arrimo aan Akhlaaq ahaan wanaagsanayn oo ay ka mid yihiin inuu ka hadlo Galmada iyo wax la mid ah, ayaa Safar uu kaga yimid Dalka Maraykanka oo uu qoxooti ku yahay ka dib, waxa uu Magaalada Hargeysa oo markii hore lagu soo dhaweeyay uu ka  baahiyey Hadallo uu wax kaga sheegayey Madaxda Somaliland iyo Shacabka Dalka ku dhaqan, isagoo Somaliland ku sheegay deegaan Beel keliya ah sheegato oo aan sharci ka jirin, taasi awgeed ayaa Ciidammada Booliisku u xidheen si ay wax uga waydiiyaan, hasa-ahaatee markii la siidaayey ayuu Internet-ka ka Caytamay, taasina waxay keentay in Dalka laga Mastaafuriyo Khamiistii Shalay, waxaana Diyaaraddii qaadday dhigtay Dalka Jabuuti, laakiin Jimcaha Maanta ayaa Dawladda Jabuuti dib ugu soo celisay Hargeysa.

Cabdiraxmaan Dab-cassar oo xilligan waxa Gacanta ku haya Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland, gaar ahaan kuwa Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal.

Saraakiil ka mid ah Laanta Socdaalka ayaa Warbaahinta u sheegay in Sabtida Berri Mr. Dab-cassar la saari doono Diyaarad geysa Magaalada Dubai, si uu halkaa uga sii dhoofo Maraykanka oo uu markii hore ka yimid.

Dab-cassar, ayaa Dadka Internet-ka isticmaallaa hadal-hayntiisa ku mashquulsanaayeen Maalmihii u dambaysay, ka dib markii uu sameeyay Been abuur ah in Ciidammada Amniga Somaliland jidh-dil u geysteen, waxaana la arkayey isagoo Madaxa iskaga duubay baandhaysta Cad ee lagu duubo Dadka dhaawacu soo gaadho, laakiin markii sida la sheegay in la hubiyey xaqiiqada dhaawaca uu sheegay in Boooliisku gaadhsiiyeen, waxa la ogaaday inay ahayd been abuur iyo wax uu ku doonayey inuu bulshada iskaga hor-keeno.

Intii uu xidhnaa, Dad badan oo gudaha iyo Dibadda Dalka ku sugan, isla-markaana qaarkood Af beeleed ku hadlayeen ayaa sheegay inay ka xun yihiin waxa loogu geystay Hargeysa Mr. Dab-cassar, hasa-ahaatee Dadkaasi ayaan intooda badan wax badan ka ogayn Xaqiiqada waxa uu ka cabanayey Ninkaasi.

Dab-cassar, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya.

Comments are closed