Jabuuti iyo Soomalaiya oo ka wada hadlay hawgalka AUSSOM
Jabuuti (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaaltinimada labada shacab.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagga qaranimada Soomaaliya, isagoo muujiyay dadaallada ay ugu jiraan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya ay soo gabagabeysay howlgallada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, haatanna uu si KMG ah u billaaban doono muddo kooban (AMISOM), iyadoo qorshuhuna uu yahay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka howlgalaan Soomaaliya. dhawaan ayaa si buuxda ula wareegaysa amniga dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti.