“Jabuuti Iyo Itoobiya Cadawgoodu Waa Cadawgeenna” Siilaanyo
Hargaysa 19.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Djabouti.
Waxa uu cadeeyay in ay ka dhaxayso walaaltinimo isla markaana xidhiidh wanaagsan ay xukuumaddiisu la leedahay dalalka Djabouti iyo Ethiopia.
Sidaasna waxa uu ku sheegay khudbad ku saabsan xuska 18ka may oo uu ka jeediyay afaafka hore ee madaxtooyada, waxaanu yidhi“Dalalka Jabuuti iyo ethiopia waa dalal aynu jaar nahay, walaalona nahay, waxaana inaga dhaxeeya xidhiidh wanaagsan, cadawgoodu waa cadawgeena, cadawgeenuna waa cadawgooda” ayuu yidhi madaxweynaha somaliland.