Jabhadda Raaskambooni Oo U Diiday Maxamed Ugaas Xaashi Inuu Kismaayo Ka Baxo
Kismaayo 10.Aug (SDN) Jabhadda Raaskambooni ee ayaa la sheegay inay saaka hor istaageen safar uu ku bixi lahaa mid ka mid ah kooxihi ugu tunka weynaa ee u sacabo tumayey Horjoogaha Jabhada Raaskambooni inuu Masuul ka noqto Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose.
Maxamed Ugaasi Xaashi oo ka mid ahaa raggi soo abaabulay shirkii Shimbiro yahaw heesa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay godkiisa biyo ugu galeen isla markaasna uu aqoonsaday inuu ku dhacay dabin muddo badan looga digayey oo ahaa inuusan sheegan xil uusan mudnayn & inuu ka qayb qaato kulankii Jabhadda Raaskambooni qaban qaabisay ee ka dhacay Magaalada kismaayo kaasi oo laysugu keenay kooxo u badan xoolo dhaqato oo degaano dhawr ah laga soo aruuriyey.
Maxamed Ugaas Xaashi oo ka mid ahaa kooxahaasi isla markaasna si weyn ugu ololeeyey Axmed Madoobe ayaa saaka mar kale laga celiyey wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyo Gudaha Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayey inuu Maxamed Ugaas xaashi uu u ambabaxo meelo ka baxsan magaalada kismaayo sida Gedo & Muqdisho oo uu ku sii jeeday balse ciidamo ka trsan jabhadda Raaskambooni ku amreen inuu dib ugu laabto Huteel uu xabsi guri ahaan ugu jirey.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay amar ka heleen Hogaamiyeyaasha Jabhadda Raaskambooni ee hadda ku sugan Magaalada Kismaayo isla markaasna ku wargeliyey inay soo celiyaan Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragga la socda,waxaana ay ciidamadaasi ugu hanjabeen inay dili doonaan hadii aysan dib ugu laaban gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan huteelkii lagu maxbuusay.
Waxaa suuro gal ahay in hadiin uu Maxamed Ugaas Xaashi gaari lahaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo inuu toos u duuli lahaa isla markaasna ciidamada dawlada kiiniya ee garoonka ku gacanta ku hayaa aysan hor istaageen Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragg la socda iyagoo tix galinaya wada hadaladii dawladda iyo Shirkii Kampala,balse Jabhadda Raaskambooni ayaa arrintaasi ka hortagey isla markaasna ka hor istaagay inuu Garoonka diyaaradaha Kismaayo gaaro Maxamed Ugaas Xaashi.
Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragga la socda ayaa la sheegayaa inay hadda dib ugu soo laabten huteel ay maxaabiis ahaan ugu jiraan isla markaasna ay ku ilaalinayaan ciidamada ka tirsan Jabhada Raaskambooni,waxaana la aaminsan yahay inay halkaasi ku sii jiri doonaan ilaa dawlada iyo Jabhadda Raaskambooni ay wada hadal rasmi ah wada gaarayaan amase ay dawladu la wareegto Magaalada kisamayo.
Jabhadda Raaskambooni ayaa walwal baahsan ka qabta in Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragga la socdaa ay afka furtaan marka ay gaaraan degaanada ay ku wajahan yihiin isla markaasna runta ka sheegaan waxyaabihii ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo qaabkii ciidamada dawlada kiiniya uga qayb qaateen dagaaladii kismaayo.
Ugu dambeyntii dambinkii ay qolayeen Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragga la socda ayaa la sheegayaa inuu iyaga ku dul habsaday isla markaasna ay la yihiin meel ay u baxsadaan,waxaana la sheegaya inay soo food saartey walwel aad u baahsan kaasi oo ah sida ay Jabahdda Raaskambooni ula socdaan dhaqdhaqaaqooda,Mana jiraan cid ka tirsan jabhadda Raaskambooni oo ka hadlay arrimahaasi.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com