|

Jab’hada ONLF oo Si ba’an ugu Dhaleeceeyay Dawladda Somalia Go’aankii ay Itoobiya Gacanta ugu gelisay Sarkaalkii ka tirsanaa Ururkooda & Xukuumada Somalia oo ka aamustay!!! DAAWO

Washington 01. September 2017 (SDN/QJ):- Jabhada Xoreynta Ogadeniya ee ONLF ee la dagaalanta dowlada Itoobiya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku cambaareyneyso falkii dhowaan sarkaal ka tirsanaa Jabhadaas ay dowladda Somalia ugu gacan gelisay dowlada Itoobiya.

Cabdikarin Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ONLF ayaa waxaa dhowaan degaanada degaano ka tirsan Galmudug ka soo qabtay ciidamada nabad sugida Somalia, waxana lagu wareejiyey saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo u watay dalkooda.

ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya u gacan gelinta dowlada Itoobiya Cabdikarin Sheekh Muuse iyadoo sheegtay in lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo kan Soomaalida.

Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayey ONLF sheegtay inuu muddo saddex sano ah ku noolaa Muqdisho uuna dhowaan u tegey magaalada Gaalkacyo inuu soo wado wiil uu adeer u ahaa oo xanuunsanayay.

“Qorshaha lagu soo qabtay, looguna gacan geliyay dowlada Itoobiya waxaa ka dambeeyey Madaxweynaha, iyo ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

Comments are closed