|

Jabhada Gooni goosadka Mali oo guulo ka soo hooyay dagaalo ay dhawaan qaadeen

Bamako April 02,2012(SDN)-Jabhadda  Dawaariqa  ee  ka dagaalanta  dalka  Mali oo guulo badan oo dhinaca  military-ga  ah  toddobaadkan  kasbatay,  ayaa  maanta  sheegaysa inay  go’doomiyeen  magaalada  Lama degaanka ku taala ee Tanbuugto.

Waxana ay  dad  goob jog ihi  sheegeen   in sanqadha  madaafiicda   iyo rasaasta  la maqlayo goob  kasta  oo ku taala magaalada ,  taasoo jabhadda  Dawaariqu  ku siqayaan  sidii gacanta  ugu   wada dhigi lahaayeen  magaaladaasi.

Geesta kale,  jabhadda  Dawaariqu waxa ay  maalintii shalay  si fududu  ku qabsadeen  magaalada  Goy  oo uu ku yaalay  saldhiga  ugu  wayn  ee dhinaca military –ga  dalkaasi.

Hase yeeshee,  hogaamiyaha  golaha  military-ga  ee talada  dalkaasi la wareegay  Cap-tan  Axmedu Sanogo ayaa sheegay in ayna  ciidamda  qaranku  magaaladaasi  Goy  ku  dagaalamin  ee ay  iskaga  baxaan  si ayna  magaaladu  u bur burin,  waxase  urur  goboleedka  Ecowas ee ay  ku  bahoobeen dawladaha galbeedka  Africa  heegan galiyaan  ilaa laba kun oo ciidan  ah ay  u diri doonaan Mali  haddii loo baahdo.

Waxana uu ku ballanqaaday  captan Axmedu in  uu distoorkii dalka u yaalay  dib u soo celiyo,  si  deg deg talada  u dhiibayaan.

SDN-Bamako

Comments are closed