Jaamacadda Gaarisa Oo Maanta Dib Loo Furay Kaddib Sagaal Bilood Oo Ay Xidhnayd
Gaarisa,4Jan,2015(QJ/SDN)-Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya ayaa maanta rasmi ahaan dib loogu furay, kaddib Sagaal bilood oo ay u xidhnayd Weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday bishii April ee Sannadkii hore 2015-ka, kaasoo ay ku dishay 148 qof oo u badan ardaydii wax ka baranaysay Jaamcaddaas.
Howl-wadeennada jaamacadda ayaa la sheegay inay dib hawshooda u billaabeen; iyadoo ardaydii wax ka baranayay Jaamacadda la sheegay in la filayo inay dib u billaabaan Wax-barashooda maalinta Isniinta ah ee soo socota.
Ciidammo booliis ah ayaa la geeyay dhismaha Jaamacadda Gaarisa si ay ammaanka guud ee jaamacadda u adkeeyaan, taasoo lagu tilmaamay inay qayb ka qaadan karto in howlaha jaamacadda ay u socdaan baqdin la’aan.
Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-shabaab ku qaaddo Kenya.
Intii uu socday Weerarkii Jaamacadda oo qaatay muddo Shan saacadood ah ayay kooxihii Al-shabaab u kala saareen ardaydii jaamacadda Muslimiin iyo Misiixiyiin; iyagoo toogtay ardaydii masiixiyiinta ah oo ay isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay xukuumadda Kenya ka dalbatay inay kala baxdo ciidamadeeda gudaha Somalia, si ay weerarrada uga joojiso, balse taas waxaa ku gacan-sayray madaxda sare ee xukuumadda Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia kumannaan ka mid ah ciidamadeeda millateriga, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland/Office