Jaamacadda Copenhagen oo ka Digtay Haliso Caafimaad oo ka Dhasha Haddii la Isku Badiyo Baraha Bulshadda
London 23. December 2016 (SDN/QJ):- Inaad wakhti badan aad ku jirtid baraha bulshada, ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayaa lagu sheegay daraasad cusub oo la soo saaray.
Daraasaad ay samaysay Jaamacadda Copenhagen, ee dalka Denmark, ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya eegista barta bulshada oo aan lahayn xidhiidhka.Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.
Siday faafisay Laanta afsoomaaliga ee BBC-da oo aanu warkan soo xiganay, Daraasadaas oo ay ka qaybqaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in “isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada.”
Baadheyaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad daalacanaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento “Nolol khiyaali oo la isbarbar-dhigayo.” Inaad dadka xidhiidh la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyber psychology.
Si kale oo loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, waa in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, ayay sheegtay warbixintaasi.