Jaamacadda Addis Ababa Medical College qaybteeda Hargeysa oo la inqilaabay, maxay tahay sababtu?
Jaamacadda Addis Ababa Medical College oo ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay kana dhisan dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, isla markaana lagu barto Culuunta Caafimaadka, ayaa 2008-dii laan ka furatay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Iyadoo wakhtigaas ay baahi aad u badan ka jirtay barashadda dhinaca culuunta caafimaadka iyo cilmiga dhakhtarnimadda.
Nasiib wanaag, waaaxda jaamacadda ee Hargeysa laga furay, waxaa maamule looga dhigay muwaadin u dhashay Somaliland oo aqoon u leh cilmiga caafimaadka. Sidoo kale Jaamacadda waxaa maalgashi ku darsaday muwaadiniin reer Somaliland ah.
Isla markaana sidii hadafkoodu ahaa waxaa aad ugu biiray arday badan oo u diyaar garoobay inay wax ka bartaan kana faa’iideeyaan fursadan dalkooda hooyo ugu timid. Waxaa iyana fursado shaqo ka helay aqoonyahano iyo shaqaale kale oo badan una dhashay dalka.
Sikasta ha ahaatee, waxaa baryahan u dambeeyey soo ifbaxayey khilaaf u dhexeeyey mulkiilayaasha kala duwan ee kasoo kala jeedda labada dal waa Somaliland iyo Ethiopia-yee. Isla markaana waxaa la isku hayaa awoodda Maamul iyo Dhaqaalaha ay soo saarto jaamacaddu laanteeda Hargeysa. Inta badan waxaa awoodda maroorsaday oo haytay mulkiilayaasha kasoo jeeda Ethiopia, taas oo laga dheehan karayo habka maamulka iyo dadka xilalka haya oo u badan Ethiopian, tusaale ahaan: Lixda (7)-da masuul ee sareeya, Shanta (5) ka mid ahi waa Ethiopian, halka laba (2) keliya uu yihiin Somalilander.
Ugu dambayntii, waxaa jirtay in 1/3/2012, uu yimid masuul sare oo ka socday Xarunta Jaamacadda ee Addis Ababa ku taal, oo uu ka safeeyey Masuuliyiintii u dhashay dalka Somaliland ee dhinaca maamulka, isla markaas eryey dhamaan macalimiintii iyo Shaqaalihii kale ee Somalida ahaaba. Iyadoo ay Shaqaalihii la eryey kaga jawaabeen arrintaas inuu siiyo mushaharkoodii. Waxaa iyaguna arrintaas ka biyo diiday ardayda wax ka barata jaamacadda qaybteedan Hargeysa oo dareen cadho leh oo aad u xoogan ka muujiyey.
Guntii iyo gabagabadii, waxaa saaka 9:00 subaxnimo shirar uga bilaabmeen dhinacyadaas is-hayey. Ugu horayntii waxaa Masuuliyiinta Ethiopian ka ah, ee jaamacadda inqilaabay, la shireen gudidii ardayda jaamacadda, waxaanay arrintu cirka isku sii shareertay markii ardayda loo sheegay in Culuunta la barayey ay ahayd mid ku xadidan heerka Diploma-da ah, halka ardaydu ku doodayeen inay ahayd Heer Degree ah, taas oo ah khiyaamo lala beegsaday ardayda oo muddo dheer waxbarashadu u socotay.
Macalimiinta Soomaalida ah oo iyana dhinacooda ay wada shireen Masuuliyiintaas Ethiopian ka ah , ayaa ku dhamaaday guul daro.
Sikastaba ha ahaatee, kadib rabshado wata gacan ka hadal, waxaa xabsiga loo taxaabay masuulkii u sareeyey laanta Jaamacadda ee Hargeysa, Dr. Maxamuud Cisman ciise.
Hadaba, Muwaadin Miyaanay wax laga xumaado ahayn in dalkaagii hooyo Ethiopian kugu dhex inqilaabo, oo Machad dhan oo waxbarasho iyo weliba ardaydii oo mustaqbalkoodii la baabi’inayo.
La soco Maqaalada dambe….
By: Health Economics Instructor
Mr. Abshir Askar Mohamed.