|

Jaamacada Golis oo abaal marin siisay ardeydii ugu sareeysay qeybaha Jaamacadaa

Hargeysa Feb 22,2012(qurbejoog.com)-Munaasibad ay soo agaasimeen maamulka Jaamacada Golis ayay ku shaaciyeen inay ka dhaafeen Lacagtii ama Fiigii Jaamacadda Laba iyo Labaatankii arday ee ugu sareeyay qaybaha kala duwan ee Jaamacadaasi ka kooban tahay.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa hadal ka soo jeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xasan oo tilmaamay sababaha ay go’aankan u qaateen inay ku qotonto sidii ay u dhiirigelin lahaayeen ardayda wax ka barata Jaamacada Golis isla markaana ay u arkaan guul balaadhan oo u soo hoyatay dalka waxaanu xusay inay xidhiidh wada shaqayneed ay la leeyihiin Jaamacado door ah oo ku yaala qaarada yurub iyo wadanka Kenya .

Gudoomiyaha Jaamacada Golis waxa uu ku baraarujiyay sidii ay ardaydu u sii libin laabi lahaayeen aqoontooda si ay uga midho dhaliyaan tacabkii ay waalidkooda iyo macalimiintoodu u hureen.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Axmed Jaanbiir Suldaan oo  ka mid ah gudida sare ee jaamacada golis.

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com 

 

Comments are closed