|

Jaamacada Carabta oo balan qaaday taageerida dowladda Soomaaliya

Qaahira March 08 2013 (SDN)— Kulan ka dhacay dalka Masar oo ay ka qeyb galeen wasiirada arimaha dibada wadamada carabta, ayaa waxaa Soomaaliya kaga qeyb galay wasiiro dowlaha arimaha dibada xukuumada Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey horumarinta dalalka carabta, waxaana dhamaan wasiiradii ka qeyb galay ay sheegeen in muhiim ay tahay wanaajinta xiriirka dalalka carabta.

Wasiiro dowlaha arimaha dibada Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, ayaa markii uu kulanka dhamaaday ka dib wuxuu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid waxyaabo badan looga hadlay.

Kulanka ka dib ayuu sheegay inuu kulamo kale oo gaar ah uu la qaatay wasiiro ka tirsan dalalkii ka qeyb galay shirkaasi, kuwaasi oo uu kala hadlayay wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dr. Gacal ayaa sheegay inuu kulan la qaatay xoghayaha guud ee jaamacada carab Nabiil Alcarabi, isagoona kala hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan horumarka iyo taageerada jaamacada carabta ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la kulmay wasiirka arimaha dibada Masar iyo wasiirka arimaha dibada Sacuudiga, ayna isla soo hadal qaadeen arimo badan oo Soomaaliya ku saabsan.

Ugu dambeyn isaga oo la hadlayey VOA-da ayuu sheegay in labadaasi dal dib magaalada Muqdisho ay kaga furanayaan safaaradihii ay ku lahaayeen, ayna soo booqan doonaan magaalada Muqdisho.

SDN-Qaahira 

Comments are closed