|

Jaalliyadda S/Land Ee Dalka SWITZERLAND Oo meel adag iska taagay Tallaabooyinka Waji-ku-macaashka ee ka dhanka ah Golaha Wadatashiga ee Laga Baahiyo Radio Hargeysa Iyo TV-ga Qaranka

dddSwitzerland:-27-july-2013(SDN)- Xubno ka tirsan Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Switzerland, ayaa si weyn u taageertay una soo dhawaysay Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka oo ay sheegeen inay  U soo diyaargaroobeen  sidii loo badbaadin lahaa qranimada Somaliland oo ay sheegeen inay khatar ku jirto.

Jaaliyaddan, ayaa ayaan darro ku tilmaantay inay xukuumaddu shaqo ka dhigato raadinta Odayaal iyo Dad shaqadoodii laga marin habaabiyey oo Tv-ga qaranka iyo Idaacadda Xukuumaddu maamusho ee Radi Hargeysa si joogto ah uga baxa.

Sidoo kale Jaalliyaddu waxay gacmo furan ku soo dhaweeyeen  heshiiskii ay sida wadajirka ah u gaadheen Labada xisbi Mucaarid ee UCID IYO WADANI, sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed qoraal ah oo kooban  oo nuqul ka mid ahi  soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com.

 

War saxaafadeedkan qoraalka ah oo ay ku saxeexan yihiin xubno ka tirsan Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka SWITZERLAND, waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan.

 

ASC, Dhamaan waxa leenahay ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Somaliland ee ku kala sugan gudaha iyo dibadaba RAMADAAN KARIIM, Illaahayna (SW), Kheyrkeeda iyo xasanaadkeeda ha ina siiyo bishan barakaysan ee RAMADAAN, Ugu horayn waxaanu salaamaynaa Saxaafadda madax banaan ee Somaliland, Intaa ka dib, Hadii aanu nahay Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Switzerland, waxaanu si mug leg oo weyn u taageersanahay una soo dhawaynaynaa mar walba Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka oo u tafo xaytay sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo dalka iyo dawladnimada Somaliland, Sidoo kale Jaalliyaddu waxay gacmo furan ku soo dhawaynaysaa heshiiskii ay sida wadjirka ah u gaadheen Labada xisbi Mucaarid ee UCID IYO WADANI.

 

Shacabka Somaliland waxa ay ku soo nabad iyo caanoba maaleen wadatashi iyo is toosin oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku soo gaadhay heerkaa aynu manta marayno, waxa aanu ayaan daro u aragnaa in warbaahintii qaranka ee ay dawladuu maamulaysay ee Radio Hargaysa, iyo TV-gii qaranka mar walba ay xukuumadda iyo wasiiradeedu ay ka aflagaadaynayaan kana caayayaan Siyaasiyiintii ugu miisaanka iyo magacaba cuslaa dalka iyo dadka ee ku dhawaaqay golahan wadatashiga, iyada oo xukuumadu ay bilawday barnaamijkii la magac baxay waji ku macaash oo kolba madaxdhaqameedyo la soo laaluushay la soo fadhiisinayo warbaahinta qaranka ee ay dawladdu maamusho, waxaanu ku baaqaynaa in xukuumaddu ay degdeg u joojiso fidmada ay shidayso, Raggaa ay xukuumadu aflagaadada ku haysaana iyaga ayaa cid walba uga lexojeclo roon dalka iyo dadka.

 

Hadii aanu nahay Jaalliyada Somaliland ee dalka dalka Switzerland, waxa aanu leenahay oo aanu xukuumadda Madaxweyne Axmaed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), aanu u soo jeedinaynaa in uu Wasiiradiisan u soo baratamaya aflagaadaynta mujaahidiintii xoriyadda Somaliland dhaliyay in uu si degdeg ah wax uga qabto, isla markaana shacabka Somaliland gude iyo dibadba ay xukuumadda talada haysa ay ka sugayaan inay ka jawaabto 16-kii qodob ee ay xujadda kaga dhigeen Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka oo ah halyayo geesiyaal ah oo u kacay badbaadada qaranka iyo qaranimada Somaliland oo jar ka sii laalaada, xukuumaduna ha ogaato in warbaahinta qaranku ay tahay hanti uu shacbku wada leeyahay oo lagu bixiyo cashuurta shacabka laga qaado oo aan loo baahnayn dastuurkuna aanu banaynayn in loo lsticmaalo sifayaal khaldan oo sharciga baal marsan oo ah habdhaqanka maanta ka muuqda ee warbaahintii dalka iyo dadka si joogto ah loogu aflagaadaynayo geesiyaashii bud-dhigaha u ahaa assaaska xornimada qaranimada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.

 

Ugu danbayntii, haddii aanu nahay Jaalliyadda Somaliland ee dalka Switzerland waxaanu leenahay shacabka Somaliland wuu ku hungoobay hanweynidii ay u hayeen xukuumadda maaanta talada haysa oo aad loogu hanweynaa inay wax ka qaban doonto, xoojinta dimoqraadiyadda, garsoorka iyo cadaaladda, musuqmaasuqa iyo laaluushka, kooxaysiga, eexdda iyo qaraabokiilka, Xoriyada saxaafadda iyo xoriyatul qowlka, Shaqo abuurista iyo horumarka iyo illaalinta qadiyada lama taabtaanka ah ee jiritaanka gooni isu taagaa Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aanu leenahay iska daa waxay xukuumaddu ka qabatee iyada ayaa sii tumatay, xoriyadii saxaafadda iyo xoriyatul qawlkii, waxaana ood soo jamiyay cadaalad daradii iyo garsoor xumadii, qabyaaladii, musuqmaasiqii, iyo kooxaysigii ayaa iyana si  heer sare ah u soo butaacay, waxa iyana sidoo kale madmadaw ay gelisay xukuumadu qadiyadii gooni isu taga madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, waxa kale oo iyana meesha ka baxday wadatashigii iyo istoosintii ay dhaqanka iyo hidaha u lahayn, waxa kale oo iyana meesha ay ka saartay xukuumadaa talada haysaa hanaankii geedi socodka dimoqraadiyada Somaliland, sidaa daradeed marka la isku soo wada duuduubo waxa iyna meesha ka sii baxaysa kalsoonidii ay shacabku u hayeen xukuumada iyo xisbul xaakimka.

 

Waxaanu kula talinaynaa Madaxweynaha inuu fadhiga ka kaco oo u guntado sidii arimahan wax u qaban lahaa oo la iska daayo yooyootanka uu wasiiradiisa soo farayo waana inii madaxweynuhu ogaadaa in shabaku ay isaga soo doorteen ee anay soo dooran Wasiiro.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

.

Magacyadda xubnaha Jaaliiyadda ee ku saxeexan bayaankani waxa ay kala yihiin

 

Xaamud Ismaaciil Koode

Axmed Qoorcade

Maxamed Muuse Lacagdoon

Axmed Yaasiin

Cabdulaahi Jaamac

Khadar Fuaad Xasan Laari

Cabdiraxmaan Salaan Muuse

Cabdirisaaq Boqor

Khadar Maxamed Askar

Sheekh Maxamed Balayax

Cabdi Yare

Sugaal Iyo Xaaji Cilmi

Khadra Maxamed Xasan

Safiya Cabdilaahi Sheekh

Aamina Cabdilaahi Gahayr.

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed