JAALIYADDA SOMALILAND EE MALAYSIA OO DOORATEY HOGAAN CUSUB!
Xaley ayaa Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankan Malaysia ku dooratey Gudoomiye Cusub oo xilka hayn doona sannadka soo socda caasimadda dalkan Malaysia ee Kuala Lumpur, halkaas oo uu xilkii kala wareegay gudoomiyihii hore Shafici Axmed Cali, oo isagu haatan wadankan Malaysia dibadda kaga maqan.
Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyadda Somaliland ee Malaysia Guuleed Cabdi Cabdillahi oo ay shabakada QURBEJOOG.COM la xidhiidhay ayaa si hufan uga warbixiyey sida ay hawluhu u qabsoomeen,
Gudoomiye Guled waxaa hadalkiisii ka mid ahaa ” niga oo Magacaygu yahay Guled cabdi cabdliahi (Garantino) Islamarkana ka mid ah jaaliyada reer somaliland ee wadanka malaysia waxa xalay doraasho ka dhacday la igu doortay inan noqodo gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee wadanka malaysia halkan oo ay ila tartamayen laba masuul oo kale ah, Abdiwahab farax ismacil iyo Axmed Cabdi Maxamed oo aan labadoodaba halkan uga mahadnqayo iyo waliba dhamaan jaaliyadii igu taageertey codkooda oo si hagar la’aan ah ii soo saarey, waxaan leeyahay dhamaan waad mahadsantihiin.
Gudomiyaha ayaa isaga oo hadalka sii wata waxa uu intaas ku daray. ” waxaa hubaal ah inaan dadaalkii halkaa ka sii wadi doono uu gudomiyihii hore soo gaadhsiiyey, in badanna wax waan qaban doonaa, iyadoo inagu soo dhaw xuskii 18 May iyadana si gaar ah ayaan ugu diyaar garoobi, waxaanan qorshayneynaa inaan ku qabanno gobollada waqooyiga iyo waliba Kuala Lumpur, maadaama oo jaaliyadu aad u soo badatey sannadahan dambe”.
Gudoomiye guled Abdi ayaa hadalkiisa ku xusay si gaar ahna ugu mahadnaqey wareysigan ay la yeelatey, shabakadda wararka ee qurbejoog.com,
Si kastaba ha ahaatee, waxaa Gudomiyahan looga fadhiyaa inuu waxyaabo badan oo jaaliyadda wadankan ku nooli tabanayaan kor u qaado kana dhigo mid nidaamsan.
Somalidiasporanews.com
Malaysia.