Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Dalka Mareykanka oo Xafiis ka Furatay Virginia {DHAGEYSO}
Washington,27Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa si Rasmi ah looga Furay Gobolka Virginia oo ku yaalla duleedka magaalada Washington Xafiis ay leeyihiin Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Maraykanka.
Xafiiskan ayaa wuxuu qaabilsanaan doona isku-xidhka jaaliyadaha gaar ahaan kuwa ku nool gobollada Virginia, Washington iyo Maryland; waxaana ka qayb-galay furitaanka xafiiskan Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan saddexdan gobol, mas’uuliyiin kala duwan iyo xubno ka socday gobollada kale ee dalka Maraykanka iyo weliba waddanka Canada.
Xigasho: VOASomali