Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Norway oo Hal Maalin Abaaraha Somaliland ka Jira ugu Tabarucay Dhaqaale Buuran
Oslo 17. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa Gaadhay Dalka Sweden Kadib Markii uu soo dhamaystay Kulamo uu la lahaa Jaaliyada Somaliland ee Dalka Norway Kuwaas oo Qaadhaan Loogu Uruurinayay Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Ku dhaqan Gobolada Somaliland.
Wasiirka Ganacsiga ayaa Sheegay inuu Kulamo kala duwan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Dalka Norway Isla markaana uu Warbixin ka siiyay Xaalada Guud ee Dalka Gaar ahaan Marxalada dhinaca abaaraha ee Ka Taagan Gobolada bari ee dalka,Waxaanu Wasiirku Xusay in Jaaliyadii uu la Kulmay ay ahaayeen Kuwo abaabulan oo Isku Duuban isagoo intaas ku daray inay si fiican u gaadhay Fariintii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ee ahayd in la Taageero dadka iyo duunyada abaartu ku habsatay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Cumar Shucayb Maxamed Waxa uu Cadeeyay in Shalay la Uruuriyey qaadhaan Lacageed oo dhan 150.000 oo Lacagta Krone ee dalka Norway,Wasiirka Ganacsigu wuxuu si weyn ugu Mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani doorkii abaabulnaa iyo Sidii loo Isticimaaay Warbaahinta dalka ka hawl gasha Isla markaana ay bulshada ugu Soo bandhigeen Xaalada rasmiga ah iyo baaxada abaartu inta ay Gaadhsiisan tahay.
Wasiirka Ganacsigu wax uu Sheegay inay u qorshaysan tahay in labada Maalmood ee soo Socda inuu Shirar iyo Kulamo la qaadan doono Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sweden isagoo u Mahadnaqay Safiirka Somaliland ee dalka Sweden iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Norway.