Jaaliyadda Ka Soo Jeeda Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagle ) Ee Ku Dhaqan Dalka Finland Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyay Guddida Dhismaha Waddada Cad + Sawiro
Hargaysa 10/6/2015(SDN/QJ)- Jaaliyadda ka soo jeeda Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa Deeq Lacageed ku wareejiyay Guddia Dhismaha Waddada Cad .
Munaasibad kooban oo ka dhacday Xarunta Guddida Dhismaha Waddada Cad Ee Hargaysaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Xoghayaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Faysal Cayuun , Xubno Haween ah oo ay ka mid ahayd Marwo Shuun Biixi Oday oo matalaysay Jaaliyadda Beesha Ee Finland .
Ugu Horeen waxaa Halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Guddida Faysal Cayuun waxaanu sheegay in munaasibaddan loo fadhiyo Lacag ay Jaaliyadda Beeshu ku Wareejinayso Guddida Dhismaha Waddada Cad Lacagtaasi oo uu sheegay in ay Dhan tahay 2.700 oo Euro (Labad Kun Iyo Todoba Boqol Oo Yuuro ) .
Intaasi ka dib waxaa Halkaasi ka Hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Waxaanu Hadalkiisa ku bilaabay “ Aad iyo aad ayaanu ugu Mahadnaqaynaa Jaaliyadda Beesha ee Finland , Deeqdan Qiimaha badan ee ay soo Gudbiyeen , Iyagoo haddana noo sheegay in aanay noqonayn tani tii ugu horaysay ee uguna danbaysay ee ay soo wadaan mustaqbalka Deeqooyin sidan oo kale ah , aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqayna sida ay isu xilqaameen iyo sida ay jaaliyaddu gacan uga geysatay Dhismaha Waddada cad , Waxaanan si gaar ah ugu mahad naqayaa Shuun Biixi Oday oo wakiil ka ah jaaliyadda Beesha ee Finland oo lacagtan aanu hadda ka Gudoomi doono ” Ayuu Yidhi Mudane Cali Sanyare
Waxaa iyana Halkaasi ka Hadashay Marwo Shuun Biixi oday oo wakiil ka ahayd jaaliyadda Beesha ee Finland waxaanay hadalkeeda ku bilawday “ Waxaan u mahad celinaya Dhamaan Guddida Waddada Cad , Hablahayaga Sharafta leh , cali oo aan leeyahay caafimaada waara ilaahay ha ku siiyo oo hakugu simo waddada salaxley oo cashuurta laga uruurinayo , hawshanna maaha tii maanta ugu danbaysay insha allaah ilaa dhammaadkeeda waan u taagannahay wixii nool waanan wadaynaa sidaasaan loo wadaya ..” ayay Hadalkeeda ku soo Gunaanaday Marwo Shuun Biixi Oday oo wakii ahayd jaaliyadda Beesha ee Finland .
Munaasibaddan ayaa ku soo dhamaatay jawwi Deggen oo farxadi ku dheehantahay