Jaaliyadda Beesha Abokor Muuse Ee Maraykanka Oo Taageeray Go’aamadii Shirwayanaha Ciidagale
Washington,12Jan,2016(QJ/SDN)-Jaaliyada Beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Maraykanku ayaa shir dhinaca telefoonka ah oo ay iskugu yimaadeen waxay ku soo saareen qodobadan.
1. Waxay si buuxda u taageereen go’aamaddii ka soo baxay Shirwaynihii Ciidagale ee ka qabsoomay Hargeysa.
2. Waxay dhiirigelinayaan in laga qayb qaato, laysna abaabulo sidii looga qayb qaadan lahaa qaadhaan ururrinta Waddada Cad iyo Mashaariicda kale ee horu narinta ahba.
3. Jaaliyaddu waxay la shaqayn doonta guddida guud ee Abokor Muse iyo Guddida Guud ee Ciidagale ay ku midoobeen 10-kiisa ardaa.
Ugu danbayntii, waxa shirkaa lagu ansixiyey Guddida Guud ee Beelwaynta Abokor Muuse ee Maraykan.
Allaah Mahadleh,
Guddida Beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) ee Maraykan