|

Jaaliyada Somaliland ee BRISTOL UK waxay tacsi udirayaan marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan. oo ku Geeriyooday Hargeysa

Inaa Lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxay Dhamaan Jaaliyadad Somaliland ee magaalada   Bristol uk ay  tacsi u

Dirayaan Dhamaan Qoyskii , Ehelkii. Qarabaadii , Asxaabtii , iyo

Guud ahaanba Shacabka Somaliland oodhan Geeri ku timi marxuum Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ku Geeriyoodaya Saaka magaalada HARGEYSA , marxuumku

waxa uu kamid ahaa Ragii udub dhaxaadka u ahaa

Hanadqaadkii fanka somaliyeed. kadibna waxa uu marxuumku iska baxay fankii isaga oo u jeestay xaga ilaahay isagoo mudooyinkii udambeeyey noloshiisa uu ahaa qof cibaado badan iyo quraan xaafid,

.isaga oo ahaa mu,adin   masaajid ku yaala magaalada

hargeysa, waxaan ilaahay uga baryeynaa in alleh Naxariistii janno fardowas kawaraabiyo Samir iyo iimana uu kasiiy qoyskii uu ka baxay iyo Guud ahaanba shacabka Somaliyeed oodhan,

 

Comments are closed