|

Jaaliyada reer Jabuuti ee Ottawa oo Abaabulaya Xaflada 27 June oo Mucaaridku ku keliyeystay

Ottawa June 17,2012(SDN)-Jaaliyada reer Jabuuti ee ku nool caasimada dalka Canada ayaa ku gudo jira abaabulka xaflad lagu weyneynayo xuska sanadguuladii ka soo wareegtay maalintii dalkaasi uu ka xoroobay gumeystihii Faransiiska.

Xafladan oo abaabulkeedu si weyn uga socdo Ottawa ayaa waxa sanadkan ummada u soo bandhigaya ashqaas taageero mug leh u haya axsaabta mucaaridka Jabuuti.

Caadiyadan xafladaha noocana waxa abaabuli jiray dad ku nool Ottawa oo xiriir dhaw la leh xukuumada Jabuuti.

Sanadkanse waxa is abaabulay taageereyaashada mucaaridka oo doonaya in ay si gaara u soo bandhigaan wacdiga dhabta ah ee dalkooda ka jira.

Xafladan ayaa waxa lagu soo bandhigi doonaa taariikhdii xornim doonka Jabuuti iyo dedaalada Mucaaridku dalka doonayaan in ay isbedel  uga hirgelin lahaayeen.

Xaflada ayaa abaal marin lagu gudoonsiin doonaa fanaanada weyn ee Nimco Jaamac.

Waxa iminka la sugaaba waa xaflada oo ay ka soo xaadiri doonaan dhamaan fanaaniinta reer Jabuuti iyo Soomaalida kaleba.

Comments are closed