|

Jaaliyada Muslimiinta ah ee Minnesota oo qabtay shirar jaraa’id oo kala duwan (DAAWO SAWIRRADA)

MINNESOTA,8Aug,2015(QJ/SDN)-Shir jaraaid ee Koowaad ayaa maalintii shalay ahayd si wadajir ah ugu qabteen suuqa ugu weyn ee Somalida Minnesota ee Karmel Qaar ka tirsan Hor-joogayaasha Jaaliyadda Muslimiinta ah ee Minnesota iyo Hay’ada CAIR oo ah mid ka mida ururada Muslimiinta ee dalkan Maraykanka

20158763574529399032195011863430_10207363349264723_4489676932011317000_n

Waxaa HOL uga Warramay ujeeddada Shirkoodan jaraa’id, Jaylaani Maxamed Xuseen oo ah madaxa CAIR Qaybta Minnesota, isagoo yiri. “Maanta Waxaan rabnaa inaan muujino inay Muslimiintu ka mideysan yihiin inay kasoo hor-jeedaan barnaamijka lagu magaacabo CVE oo ah afka Ingiriiska ah – Countering Violent Extremism ahna ka hortagidda Arga-gaxisada kasoo laga Hir-galinayo Saddex magaalo oo ka tirsan Maraykanka kuwaa soo kala ah Minneapolis Bostan iyo Los Angles marka Saddexda Magaalaba maanta waxaan ku qabanay shirkan Jaraa’id oo isku wada mida aan arrintan uga soo hor jeedno.”

 20158763574529518661315111825570_10207363351584781_3406122384925781694_n

Dr. Xamdi Sawaaf ayaa isaguna ka sheegay in Muslimiinta Minnesota ay si wadajira uga soo horjeedaan wax walba oo quseeya Argagaxisnimada si wadajir ah, wax kasta oo nabad-galyada dalkaan wax u dhimaayana raalli kama nahin.

 20158763574529491926481811204912_10207363353544830_425805163210770519_n

Sidoo kale, Sheekh Xasan Jaamici ayaa isna sheegay in barnaamijkaan wuu kala qaybinayo jaaliyadda Shakina galinayo waxuuna sheegay in barnaamijkaan hore loogu soo tijaaabiyay Dalka Ingiriiska laguna Guulaysan waayay markii dambana laga joojiyay dalkaas waana meesha laga keenay barnaamijkaan lagu magaacabo CVE.

 20158763574529458340038711825076_10207363355264873_8837287148369077264_n

Waxaa shirkaan Jaraa’id ka hadlay dad kala duwan oo kala matalayay Dhallinyarada, Masaajidda iyo qaar ka mid ah Horjoogayaasha jaaliyadda Soomaalida Minnesota, waxaana dhinac taagnaa qaar ka mida waaliddiintii Ilmahooda looga xiray dhawaan Gobolkan Minnesota laguna eedeeyay inay doonayaan inay ku Biiraan ISIS.

 20158763574529437398603810349959_10207363351704784_1744991139571452110_n

hirka Jaraa’id ee labaad waxaa jira isla shalay shir jaraa’id oo ay Qabteen xubnaha ka kooban 15-ka Qof ee kala shaqaysa Arrimaha jaaliyadda ama barnaamijkaan kor ku xusan xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota, Andrew Luger . Waxaana ka warreystay, C/maalik Xasan Maxamed wuxuu ku saabsanaa shirkooda Jaraa’id, isagoo xusay inaan ka dhaadhicino dadkeena in loo baahan yahay in garab loo noqdo dhalinyaradeenna sidii loogu abuuri lahaa shaqooyin iyo barnaamijyo lagu horemarinayo waa inaan si wadajir ah uga hor is-taagnaa Waxaa dhallinyaradeenna ku xmbaaraya inay ku biiraan kooxaha xag jiriinta ah.

 20158763574529399032195011863430_10207363349264723_4489676932011317000_n

Waxaa kaloo uu intaas ku daray in dadkeena aysan laheen xarumo badan oo kaafin kara dhalinyarada in looga caawiyo  Waxbarashada guriga (Home Work) waana in la helaa xarumo caawiya dhalinyarada iskuulada ku jira. Wuxuu xusay in shirkooda Jaraa’id ay uga dalbadeen Dowladda waxa ugu horreeya inay noqdaan abuurida mashaariicda horumarinta dhallinyarada. Maadaama aan Soomaalidu aysan helin barnaamiyo u gaar ah arrimaha dhallinyarada.

 

Ugu dambeyn, C/maalik wuxuu sheegay inay doonayaan inay in Jaaliyaddu is-waraysato kana wadahadasho, danta guud ahna meel saxa uga soo jeesano; waxaan ku nool nahay dal hore maray waa in aan si caqli ah uga faa’iidaysanaa fursadaha jira ayuu yiri C/maalik Xasan Maxamed oo iiga warramayay Ujeeddada Shirkooda.

 

Comments are closed