Jaaliyada Jabuuti oo mudaharaad weyn ku qabatay magaalada Ottawa(SAWIRO)
Ottawa June 15,2015(SDN/QJ)-Jaaliyada reer Jabuuti oo ay hogaaminayaan madaxda USN ee dalka Canada ayaa isu soo bax ay ku diidan yihiin hab dhaqanka dawlada Jabuuti ku qabtay caasimada dalka Canada ee Ottawa.
Banaabaxa ayaa lagu didanaa qodobo ay ka mid yihiin dib isu soo sharixida Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dalka China oo ay ku eedeeyeen in uu damacsan yahay in uu xarumo ciidan dalkaa ka sameysto, in la sii daayo culimo iyo siyaasiyiin u xiran xukuumada Jabuuti iyo in passaport kiisii Jabuuti loo caliyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir.
SDN/QJ-Ottawa