Mujaahid Cali Guray oo Mudeeyay Xiliga uu ka Baxayo Xisbiga Ucid,Kana hadlay Aragtidiisa la Xidhiidha Khilaafka u dhexeeya Gudoomiye Faysal iyo Murashax Jamaal
Hargaysa 25.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wuxuu Khilaaf hor lihi ka dhex Curtay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,Iyagoo Warbaahinta isku waydaarsaday afkaaraha kala fog ee ay kala aaminsan Yihiin.
Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa Qoraal Wejiyo badan leh waxa uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, Kaas oo Micne ahaan u dhacaya in Wejigii Kowaad ee Qorshe uu Hilaadiyey uu Guulaystay balse Talaabadii ku Xigtay ay Meesha ka Maqan tahay waxa uu Cali Guray sheegay inay Mar walba u Muuqatay in Khilaafka Kulmiye ka dhex taagani uu Xisbiga Ucidna Dhex yaalo.
Qoraalka Mujaahid Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan:- Berigii Seben jaahiligii mar ay jirtay colaad dhex tiil laba reer oo walaalo ah oo berigaa kala ahaa Reer Berbera iyo Reer Buloxaar ayaa niman ay xigto ahaayeen arkeen nimanka wada dhashay ee warmaha isu afaysanaya iyo iyaga oo ay colaad ba’ani ka dhexaysay reero kale oo shisheeye ahaa.
Dabeed nin ka mid ahaa ayaa gabyay isaga oo la hadlaya ninkii tumaalka ahaa ee warmaha afaynayay xigtadiisan is colaystayna u sheegaya in waxa dhex yaal aanu jirin balse faaq iyo kibir uuni isu geeyay.
Wuxu yidhi:
ABAAN KAALKA WAYN II AFEE KAARIYUU DILAYE
OO KIRIXNA SOOFAHA U MARI AWR KABAAL QABAYE
KUWAA KIMISTA DOONYAHA KU GURI KOODU HA U YIIL EH
IYAGAYSU KOOL LABE EH ANAGA NAGA KAXEE MEESHA
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen kol hadii ay warbaahinta ka wada hadleen waxan leeyahay aniga ragga aanu siyaasadda isku haynaa UCID maaha kana dhex doon dooni maayo. Anigu ma noqon karo mana noqonayo UCID UCID ISKA CELINAYA ee waxan ogolaanayaa in UCID oo dhami iga wada adkaadaan. Waayo labadayda gacmood uma qaybsami karaan in aan iskaga wada celiyo UCID iyo inta kale ee siyaasadda aanu isku hayno shakhsi ahaan iyo xisbi ahaanba.
Kolay anigu waan filayay muddo sanad ka badana way ii muuqatay in UCID u baahan yahay inu talo ka yeesho hadii PLAN A-gu shaqayn waayo waxa uu xisbi ahaan yeelayo aniga mar walba qabay in loo baahan yahay in laga sii fakaro PLAN B iyo PLAN C. Sida aan u arkayayna PLAN A waxa uu shaqayn karayay marka KULMIYE uu musharaxu madaxwaynaha yahay oo keliya. Hadii Madaxwayuhu aan musharax ahayn sideey wax noqon karaan sidee ayayse samayn ugu yeelan kartaa UCID iyada oo cidda kale ee markaa aan madaxa ku hayay ay ahayd gaar ahaan MAXAMED BIIXI YOONIS AMA MUUSE BIIXI CABDI.
Gaar ahaan Jamaal waxan arkayay ama iiga muuqatay in isaga aanay u kala soocnayn mawqif kiisuna yahay “khaliwali kuu doonaba ha noqdo aniga waa isugu kay mid sina waan ula wada tartamayaa” taas oo loo fahmi karay looma baahna “plan B”
Maanta ayay taagan tahay tii aan sanad ka hor ka sii baqayay in badan kaga hadlay UCID dhexdiisa oo Madaxwayne Silanyo musharax maaha “plan A” wuu ka baxay meesha plan Bna ma jiro. Waana run aan la dafiri karin in ay taasi saamayn teeda ku yeelan karto xaaladda UCID. Sida ay ugu yeelan karto hadda halkan kaga warami maayo lakiin waxan sheegayaa uun in marka uu madaxwaynuhu Musharax yahay iyo marka aanu ahayn ay Istraatajiyadda UCID ee doorashaduna noqonayso laba kala duwan.
Sidaa daraadeed in dhamaadka khilaafka Kulmiye uu noqonayo bilawga khilaafka UCID anigu mar walba waxay ahayd wax aan filayay.
Dhexdhexaadin maaha waa talo la’aan in si run ah loo wada tashado ayuun baa loo baahan yahay. Hadii ay igu simi lahaayeen inta shirka Kulmiye qabsoomayo ama fashilayo waan geli kari lahaa. Lakiin hadda weli arimaha wax baa ka qabyo ah dabcan taladana wax baa ka qabyo ah. Hadii kale iska daa bishu hortayada ha timaado eh cid waliba markaasay saaxiga keeni doontaaye. Waxay ahayd intayda masuuliyiinya ihi in aan wax ka hor aragno bahwaynta aanu hogaanka u nahay hadaanu mar wax la aragno dee maxaanu hogaan ugu nahay maanu isugu yeedhno oo tashada nidhaahno
Sidaa daraadeed dagaalka afka ee Faysal iyo Jamaal waa hor dhac wax kelena maaha ee halka uu daaran yahay waa halkaa xalkuna mar walba aniga xagayga wuu jiraa hadii si run ah loo wada tashado wakhtiga ku haboon Soomaaliduna waxay tidhaa” TALO WAA MAR AAD GARAN WAYDO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO.
Gudoomiye Cali Gurey ayaa sii iftiimiyey Mudada uu ku sii dhex jirayo Xaalada Xisbiga Ucid “Anigu walaahi hadalka Faysal iyo ka Jamaal manaan dhegaysan hadii aan idin idhaa ma iga rumaysanaysaan. Weliba midna kala maan sheekaysan. Lakiin xaaladda UCID baan ogahay. Ucid labadooduba dano ayay ka leeyihiin anigu wax dan ah oo gaar ah kama lihi. Maalinta lGudoomiye xigeen la helo halka aan ka baxo eega”
Walaahu Calaa Maa
Aquulu Wakiil
Wa bilaahi Tawfiiq