|

“Iyadoo La Keeno Heshiis Cad Mooyaane, La Aqbali Maayo Saldhigga Berbera Xitaa Haddii Lacag Lagu Ansixiyo” -Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale ka digay Saldhig Milletari oo Dawladda Imaaraadku ku yeelato Magaalada Berbera ee Somaliland, kaasi oo uu ku tilmaamay Dagaal aan Waddo lahayn.

Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay ku soo qaatay Ahmiyadda uu Islaamku siiyey Wada-tashiga, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Sadhigga Berbera ee aynu isku hayno, waxa jira intaas oo Sarkaal oo Khibraddoodu Afartan Sannadood tahay oo Qaarkood intaas oo Jaamacadood tahay, oo Maanta Hargeysa badhtankeeda taagan, kuwaasi oo u ila-bixin lahaa. Markaa waa in Qofka lala tashanayaa yahay Qof soo jeeda oo aan seexan (Aragti ahaan), waa inoo noqdaa Aqoon u leh waxa laga hadlayo, waa inoo noqdaa Qof Diin leh, Islaamku wax walba oo wanaagsan Diin buu ka dhigay oo wuu sharciyeeyay, Diin la’aantu waa wax waloo xun, Islaamkuna wuxuu yidhi wax kastoo xun ka fogaada.”

Sheekha oo sii faahfaahinaya Shuruudaha looga baahan yahay Qof lala tashanayo, wuxuu sheegay, “Haddaad doonayso inaad arrintaa sideeda u hesho, waa in Qofka aad la tashanaysaa yahay Qof Jecel in Dadka iyo Dalka Mustaqbalkoodu wanaagsanaado, balse aan ku qiyaasayn Aragti ama Dan gaar ah oo markaa taagan. Culimadu waxay yidhaahdeen waa in Qofka aad la tashanaysaa aanu ahayn Qof markaa dhibaato haysato. Culimadu waxa kale oo ay yidhaahdeen waa in Qofka aad la tashanayso aanay Maslaxadi ugu jirin waxaad kala tashanayso, Waayo? hadday Maslaxadi ugu jirto Mashruuca aad kala tashanayso hore ayuu kuugu riixayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dhibaatooyinka Somaliland ka jira ay ka mid yihiin in Culimada iyo Dadka kale ee Aqoonta lihi diiddan yihiin inay Talada Dalka ku lug-yeeshaan, “Dhibaatada Waddanka haysta maxaa ka mid ah, Ninkii Wadaadka ahaa ee Aqoonta lahaa ee wanaagsanaa wuu diiday inuu Talada ka mid noqdo, kuwii Aqoonta lahaa ee isku fillaa ee Dalkan Hagaajin lahaana way ka fogaadeen.”

Sheekhu wuxuu farriin u diray Goleyaasha kala duwan ee Dawladda, “Waar Dalku wuu innaga wada dhexeeya, markaad isku wada geyso Golaha fulinta, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida waxba la’aan bay ka noqonayaan 4.5 Milyan-ka reer Somaliland ee gudaha iyo Dibadda jooga. Anigaa Awoodda haysta meel ay Kitaabka iyo Caqliga wanaagsan kaga taallaa ma jirto, Islaamku wuxuu u yaqaanaa Aqlbiyadda xaqa haba ahaado Hal Qof’e, markaa Taladaydu waxay tahay arrintaa aynu isku hayno (Saldhiggu) waa Arrin khuseysa dhowr boqol oo Sannadood ee yaan lagu deg-degin, waxaanu leenahay Arrimaha qaarkood Caqli ha lagu daro.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Anigu waxaan ka mid ahay Dadka leh Saldhiggaasi dhib-buu ku keenayaa Ummadda Mustaqbalkooda iyo Maanta intaynu sidan nahay, markaa waxaan ka mid ahay Dadka leh ha laga daayo, Waayo? Saldhigga Berbera waa Dagaal aan Waddo lahayn, markaa waxaanu leenahay waa lagu jabayaa ee ha laga daayo.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu farriin gaar ah u diray Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, “Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada waxaan leeyahay iyadoo la keeno Heshiis Cad oo Ummaddu ku qanacdo Mooyaane, la Aqbali maayo Saldhigga Berbera xitaa Haddii Lacag lagu Ansixiyo.”

Comments are closed