|

Itoobiya Oo Xukun Ku Ridday Rag Lagu Eedeeyay Inay Aasaasayeen Koox Xidhiidh La Leh Al-shabaab

Addis Ababa 01. May 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay 6 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo ay ku eedeysay in ay doonayeen in gudaha dalka Itoobiya ka aas-aasaan koox xidhiidh leh Al-Shabaab.

Labada Nin ee Maxkamadda xukunka ay ku riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Bedris Yesuf iyo Anis Usman.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Federaalka dalka Itoobiya ayaa sheegay in raggaasi la xidhay saddex sano ka hor, iyaga oo qorsheynaya in ay qaadaan weeraro argagaxiso.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada ciidamadda u diray Dalka Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya oo dagaal hadda kula jirta Kooxda Al-Shabaab.

Xabsiyo ku yaalla dalalka Afrika ayaa waxaa buux dhaafiyay dhalinyaro lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab.

Dalka Kenya ayaa waxaa la sheegaa in ay ku xidhan yihiin boqollaal dhalinyaro ah kuwaas oo ciidamadda dowladda Kenya ay gacanta ku soo dhigeen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka fuliyay wadamada ciidamadda u soo diray Soomaaliya, gaar ahaan Kenya , Uganda iyo Itoobiya.

Comments are closed